Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Baraawe

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Baraawe

by Laacib

Waxaa tan iyo saakay degan xaaladda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, inkastoo magaalada laga dareemayo in xiisadi ka jirto.

Cutubyo ka tirsan Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa shalay galab illaa xalay ku dagaalamayay magaaladaasi, ka dib markii askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed uu dilay askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Tani ayaa ka careysiisay Ciidamada Militariga oo weerar ku ekeeyay fariisimihii Ciidanka Daraawiishta ku lahaayeen afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Baraawe, iyadoona Ciidanka Daraawiishta ay difaac ka galeen dhismaha Madaxtooyada oo lagu hareereysan yahay.

Ciidamada Militariga oo sidoo kale saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha Baraawe ayaa hakad-geliyay howlihii shaqo ee garoonkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weli uu hakad ku jiro isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada, isla-markaana ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ee magaalo xeebeedkaasi.

Mustaf Baazi Cali oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay inaanan saddex waqti waxba laga cunin magaalada, xaaladda ay u muuqato mid weli la isku mindiyo lisanayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisaddaasi.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in madaxdu ay dadaal ugu jiraan, sidii dib loogu furi lahaa Garoonka Baraawe.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu furo garoonkaasi, oo la doonayo in laga qaado dadkii ku dhaawacmay dagaalka.

Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada Militariga ay ka masuul yihiin shaqaaqadaasi.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado ciidamadaasi.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedna aysan ka aamusi doonin dhacdadaasi, sida uu yiri.

Dhanka kale Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa caawa cambaareeyay dhacdadii Baraawe, iyagoona sheegay in masuuliyaddaasi uu qaadi doono Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Baraawe, Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago), oo sidoo kale ku magacaaban Taliyaha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Xildhibaanada ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ay Garoonka Baraawe ku wareejiyeen maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, isla-markaana ay falkaasi cambaareynayaan.

Korneyl Xarago oo goor sii horreysay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay tahay in lagu la xisaabtamo shaqaaqada ka dhacday magaalada, haddii ay ku horreyeen sida uu yiri gacanqaadka.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay ayaa waxaa dagaalka ku geeriyooday 10 askari oo labada dhinac ah.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda cakiran ee ka jirta Baraawe ayaa lagu sheegay middeedii ugu adkeyd ee magaaladaasi soo marta, tan iyo markii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab, 5-tii bishii October ee sanadkii 2014.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc