Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan

by Laacib

Xiisaddan ayaa ka dambeysay, ka dib markii Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu toddobaadkii hore xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Gudoomiyaha ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadistiistiisii, marka aad eegto xilliga lagu soo beegay oo uu horkacayay dagaalka ay dadka gobolkaasi isaga dul qaadayaan mintidiinta Al Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) u soo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, kaas oo horey xilkan u soo qabtay, balse Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka gobolkaasi oo aan iyagu soo dhaweyn dib u magacaabiddiisa ayaad mooddaa in ay la safan yihiin Gudoomiyihii xilka laga qaaday.

18-kii bishan ayaa waxaa Magaalada Beledweyne gaaray ciidamo soo banneeyay furimaha dagaalka qaarkood, kuwaa oo sheegay in ay difaaci doonaan Gudoomiye Jeyte. Magaalada waxaa isla maalintaasi dibadbaxyo ka dhigay dad ka soo horjeeda xil ka qaadistaasi

Cali Jeyte Cismaan oo xilligaasi shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in hadda ka dib aanay dadka reer Hiiraan qayb ka sii ahaan doonin Hirshabelle, isla-markaana ay dhisan doonaan maamul iyaga u gaar ah, xilli reer Hiiraan ay muddo dheer ka cabanayeen in sad-bursi lagu sameeyay, marka aad milicsato in dadka ku dhaqan Gobolka Shabellaha Dhexe ee ay wax kala dhaxeeyaan ay isku qaateen Madaxweynihii iyo xaruntii maamulka oo Jowhar ku magacaaban.

Axaddii, Cali Jeyte ayaa loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State, ka dib kulan lagu dooranayay oo Beledweyne ka dhacay, halka Axmed Cismaan Cabdalla Inji loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka Hiiraan State.

Magaalada waxaa ka soconaya kulamo iska soo horjeeda oo ay ka kala wadaan garab uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo muddooyinkanba ku sugnaa Beledweyne iyo garab kale oo uu Jeyte hoggaaminayo.

Sidoo kale magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo aad u hubeysan, isla-markaana kala taabacsan labada dhinac. Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo ku kala qaybsamay xiisadda siyaasadeed ee gobolka ka soo korortay.

Madaxwdeyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa maalmihii ugu dambeysay xusul-duub ugu jiray, sidii Beledweyne looga saaray ciidamada teegeersan Jeyte, si looga hortaggo qalqal amni iyo dagaal uu dhiig ku daato oo magaalada ka dhaca, tiiyoo wax ka hirgalay aanay jirin.

Madaxweyne Kuxigeenka oo dhowr jeer la kulmay Hoggaanka Dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahanada reer Hiiraan ayaa ku guuldareystay in uu ka dhaadhiciyo inay Jeyte ku qanciyaan in uu tanaasulo.

Yuusuf Dabageed oo joogitaankiisa Beledweyne uu ku wehliyo Gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi ayaa la fahamsan yahay in xitaa ay ku adkaatay in dib loo furo Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif. Howlihii shaqo ee garoonkaasi ayaa waxaa mar kale Axaddii lagu hakiyay warqad uu soo saaray Jeyte, warqaddaasi oo lagu sheegayay inaanay magaalada muddo afar cisho ahi iman duulimaadyada rakaabka, taas oo ay muuqato inay shaqeysay.

Amniga garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, inkastoo ay dul degan yihiin ciidamada ka amar-qaata Jeyte. Dhammaadkii toddobaadkii tegay waxaa garoonkaasi laga dejiyay Calankii Hirshabelle oo lagu bedelay kan cusub ee Hiiraan State.

Dhanka kale ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku jahwareersan yahay dhabihii ay dowladdiisu wax kaga qaban laheyd xiisadda gobolkaasi, waa Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan mucaaradi karin Madaxda Hirshabelle, si uu kaga fogaado in labada dhinac ay kala fogaadaan xilligan xasaasiga ah oo xaaladi ay ka jirto meelo badan oo dalka ka mid ah iyo dhanka kale oo Jeyte ah, oo ay la duuban yihiin dadka gobolka iyo Soomaalida inteeda kale, bacdamaa uu tusay in muddo kooban lagaga adkaan karo kooxaha argagixisada.

Gulufkii uu horaan Jeyte dadka deegaanka ku hoggaamiyay ee dagaalkii Shabaab lagaga saaray bariga gobolkaasi ayaa la fahamsan yahay inay soo dedejisay in Madaxweynuhu uu si dhiiranaan leh uu 1-dii bishii January ugu dhawaaqo in dowladdiisu ay muddo sanad ahi dalka kaga ciribtiri doonto kooxaha argagixisada, isla-markaana uu garowsan yahay in Jeyte uu muhiim u yahay dagaalkan ay dowladdiisu kula jirto kooxahaasi.

Si kastaba ha-ahaatee xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi ayaa laga cabsi qabaa inay sababto dagaal ka dhex qarxa labada garab ee ku wada sugan Beledweyne, haddii Villa Somalia aanay qaadin tallaabooyin ay si degdeg ahi wax uga qabaneyso xiisadda ka jirta gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc