Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Magaalada Garoowe

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Magaalada Garoowe

by Laacib

Ciidamo aad u hubeysan ayaa xalay la wareegay qaybo ka mid ah waddooyinka halbowlaha ee Magaalada Garoowe.

Ciidamadan oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa gaadiidkooda dagaalka ku gooyay waddooyinka ay soo deggeen.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa barxadda Garoowe, gaar ahaan waddada aadda dhinaca Xarunta Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay joojiyeen isu socodkii gaadiidka, mana jiraan baa la leeyahay gaadiid ka gudbi kara amaba mari kara waddooyinka ay ku sugan yihiin.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyagu ka biyo diidan in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay furaan Dastuurka Puntland, si wax ka bedel ay ugu sameeyaan, loona kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadeed ee Puntland.

Puntland ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wajaheysay xiisad siyaasadeed, ka dib markii Golaha Wasiirada ay 4-tii bishii May ansixiyeen in tirada xisbiyada siyaasadda laga dhigo shan, halka ay markii hore saddex ka ahaayeen.

Xiisadda saaka ka jirta Magaalada Garoowe ayaa kor u qaadday walaacii ay dadka qaarkii ka qabeen in isku dhac dhex maro ciidamada maamulka iyo kuwa mucaaradka.

Xafiiska Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaan illaa iyo hadda ka hadal xaaladda amni ee ka soo korortay Garoowe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc