Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, oo ka mid ah Garaadada SSC Khaatumo.

Madaxtooyada Puntland ayaan wax faah faahin ah ka bixin waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Garaad Jaamac Garaad Cali uu Garoowe u tegay arrimo la xiriira Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ka soo gala deegaanada SSC Khaatumo. Xilli aysan kala caddeyn waxa laga yeelayo 17-ka Xildhibaan ee SSC Khaatumo, haddana Garaad Jaamac Garaad Cali oo Sabtidii gaaray magaalada ayaa halkaasi ka wado kulamo la xiriira arrintaasi.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka mid ah Isimada SSC Khaatumo ayaa si maldahan bartiisa Facebook ugu weeraray Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno ka tirsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo ka soo jeeda SSC, maantana shaqo bilaabay

“Laba mid baan kala garan la’ahay, in Isimada SSC bulshada qiyaameynayaan iyo in Guddiga Doorashadu qiyaameynayso musharaxiinta.” Ayuu yiri Garaad Mukhtaar.

Guddiga ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga doonayo shakhsiyaadka daneynaya in ay ka mid noqdaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada codsiyada ay bilaabaneyso 17-ka bisha oo maanta ku beegan, isla-markaana ay ku egtahay 25-ka bishan.

Guddigan oo 12-kii bishan uu soo magacaabay Madaxweyne Deni ayaa kala qaybsanaan ka dhex abuuray daneeyeyaasha siyaasadda ee Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka horyimid magacaabista guddiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa si adag uga horyimid ciidamada ka amar qaata Madaxtooyada ee saqdii dhexe ee xalay la wareegay Xarunta Baarlamaanka, waana halka la sheegay in ay ku shaqayn doonaan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka.

Gudoomiyaha ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqay in uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda dalka, oo uu ku eedeeyay in uu caadeystay tumashadooda, isla-markaana uu ciidamada ka kaxeeyo Xarunta Baarlamaanka, si buu yiri shaqadii golaha ee dastuuriga ahayd u sii socoto.

“Waxaan Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda dalka, oo uu caadeystay ku tumashadooda, ciidamadiisana ka qaato Xarunta Baarlamaanka, si shaqadii golaha ee dastuuriga ahayd u sii socoto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo warkan ku sheegay qoraal uu duhurnimadii maanta uu soo saaray.

Gudoomiyaha ayaa warkiisa ku xoojiyay “Golaha Wakiilada Puntland waxa uu diyaar u yahay in ay Dowladda Puntland ka qabsoomto doorasho sharci ah, heshiis lagu yahay, wax is daba marina ka hufan, xilligeedana ku qabsoomta.”

Madaxtooyada ayaa qabaa’ilada ugu yeertay in ay soo xulaan Xildhibaanadooda, si loo guda galo Doorashada Mudaneyaasha Baarlamaanka, 8-da bisha soo socotana loo soo doorto Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo 7-dii bishan hal sano kororsaday ayaa iyagu doonaya in Baarlamaanka 5aad Puntland ee hadda jira uu 8-da January soo doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, Baarlamaanka 6aadna sanadka dambe lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad go’aankii Odayaasha Dhaqanka ee ay 6-dii bishan soo saareen.

Inkastoo ay musharaxiin badan ku qulqulayaan Magaalooyinka Puntland, haddana dadka reer Puntland ayaa ka walaacsan in xiisaddan siyaasadeed ay isu bedesho mid colaadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc