Home Wararka Maanta Wariye Cabdifitaax Qays oo ku geeriyooday ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho

Wariye Cabdifitaax Qays oo ku geeriyooday ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho

by Laacib

Cabdifitaax Macalin Nuur Qays oo ahaa Agaasimihii Telefishinka Somali Cable ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay ku geeriyooday ismiidaamin ka dhacday maqaaxi lagu shaaho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday dad xalay caweyskii fadhiyay maqaaxida Blue Sky, oo ku taala Degmada Boondheere, gaar ahaan inta u dhaxeyso Godka Jilicow iyo Golaha Murtida & Madadaalada ee National Theatre.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkaasi uu soo dhex galay dadkii ku shaahayay maqaaxidaasi, ka dibna uu isku qarxiyay.

War ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay Wariye Cabdifitaax Qays, afar kalena ay ku dhaawacantay

Warka ayaa lagu sheegay in laamaha amniga ay baaritaan wadaan, wixii ka soo kordhana ay dib shacabka uga la soo wadaagi doonaan.

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitaax Macalin Nuur (Qays) Agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonnaa.” Ayaa lagu yiri warka booliska.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, waxayna war ay soo saartay ku sheegtay in qaraxaasi lala eegtay saraakiil iyo askar ka tirsan Hay’adda Sirdoonka.

Maqaaxida Blue Sky ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale loo bartilmaameedsaday.

Allaha u naxariistee Cabdifitaax Qays ayaa caan ka ahaa Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc