Home Wararka Maanta Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay Caabudwaaq iyo ninkii dilay oo la qabtay

Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay Caabudwaaq iyo ninkii dilay oo la qabtay

by Laacib

Saxafigan oo ka tirsanaa Telefishinka Qaranka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas la sheegay in shalay lagu dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in dilka Wariyaha uu ka dambeeyay, ka dib markii uu muran soo kala dhex galay nin ilaalo ka ahaa xarun lagu xanaaneeyo agoonta, oo uu wax ka maamuli jiray.

Maxamuud Axmed Bulxan oo la dhashay Saxafiga ayaa sheegay in ay tuhmayaan in walaalkii uu dilay nin ay shaqo wadaag ahaayeen.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq, Muxudiin Aadan Weli ayaa xaqiijiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan ninkii dilka gaystay.

“Shacabka Caabudwaaq waxaan uga tacsiyadeynaynaa geerida Cabdikariin oo wax weyn u hayay bulshada, agoon buu gacanta ku hayay, samafal fara-badan ayuuna bulshada qaybaheeda u hayay, Wariye ayuu ahaa, qaranka ayuuna u shaqeynayay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wariyaha oo dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Guud ee Caabudwaaq ayaa la sheegay in markii dambe uu halkaasi ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Wariye Bulxan oo sidoo kale ka tirsanaa Radio Muqdisho ayaa maanta lagu aasay Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Dilkiisa ayaa ka careysiiyay dadka deegaanka oo dalbanaya in sharciga la horkeeno dembiilaha, si caddaaladda loo waafajiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc