Home Wararka Maanta Wasiir Alcadaala “Waa la soo afjaray hawlgalkii sifeynta ee hawdka Cali Fooldheere”

Wasiir Alcadaala “Waa la soo afjaray hawlgalkii sifeynta ee hawdka Cali Fooldheere”

by Laacib

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii sifeynta, ee ay maalmahaanba ka wadeen dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al Shabaab si buuxda uga saaraan hawdka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay dooneysay in deegaankaasi ay ka dhibaateeyaan Hirshabelle iyo Galmudug, balse ay ciidanku maanta soo geba-gabeeyeen joogitaankoodii deegaankaasi.

“Meelaha kooban ee hawdka ah oo ay u arkayeen inay ku badbaadi karaan bay meeshaasi ka mid ahayd. Marin sidoo kale muhiim ah oo ay isku dayayeen Hirshabelle iyo Galmudug labadaba inay ka dhibaateeyaana way ahayd, laakiin Ilaahay mahadiis saakay ayuu ciidanku ka sifeeyay dhulkaasi hawdka ah.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Shabaabka ay dib ugu laabteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo bartamihii bishii September ay ka soo gudbeen.

“Intoodii dhimatay ma ahee intoodii kale waxay u baxsatay dhanka galbeed ee webiga, oo ciidamaduna ay u tallaabeen, si ay u sii baacsadaan meesha ay taggaanba ay uga daba taggaan.” Ayuu yiri Alcadaala oo VOA la hadlay.

Shabaabka ayaa ku dhawaad muddo afar toddobaad ah ku mintidayay, sidii ay ugu nagaan lahaayeen beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) illaa dhulka hawdka ah ee ku dhow jiinka bari ee webiga.

Shabaabka ayaa dhulkaasi u arkayay goob ku wanaagsan gabaadka, isla-markaana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc