Home Wararka Caalamka Wasiir Blinken oo ka degay Tel Aviv, xilli Mareykanka uu kordhiyay cadaadiskiisa Israel

Wasiir Blinken oo ka degay Tel Aviv, xilli Mareykanka uu kordhiyay cadaadiskiisa Israel

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa saqdii dhexe ee xalay ka degay Magaalada Tel Aviv, si Israel iyo Xamaas ay u sii wadaan heshiiska xabad joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista.

Muddada lagu heshiiyay xabad joojinta ayaa ku ekeyd Arbacadii, iyadoona laga cabsi qabo in dagaalka uu dib uga qarxo Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Tel Aviv u tegay, si uu Madaxda Israel uga la hadlo in la kordhiyo waqtiga xabad joojinta, isla-markaana la ballaariyo gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Gaza.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa xalay ku hanjabay in Israel ay dib u bilaabi doonto weeraradeeda Gaza, ka gadaal markii ay soo baxeen warar sheegaya in is mari-waa uu ka taagan yahay qodobada haatan horyaalla dhinacyada, si loo cusbooneysiiyo heshiiska xabad joojinta.

“Ciidanka Difaaca Israel ayaa waxay u diyaarsan yihiin in cir, dhul iyo badba ay si degdeg ah u bilaabaan dagaalka.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay “Waxaan sameynaynaa isku day kasta oo lagu soo celinayo dhammaan la haysteyaasha iyo inaan Xamaas ka ciribtirno Marinka Gaza.”

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in Madaxweyne Joe Biden uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadinayo inuusan maamulkiisu haatan dib ugu laaban saaxada dagaalka.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Dowladaha Mareykanka, Masar iyo Qatar ay labada dhinac ku cadaadinayaan in ay tanaasulaad sameeyaan, si loo sii wado xabad joojinta Jimcihii ka bilaabatay Gaza.

Socdaalka Blinken ee Tel Aviv ayaa noqonaya kiisii 3aad ee halkaasi uu ku taggo, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku ekeysay israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc