Home Wararka Maanta Wasiir Blinken oo si adag uga hadlay xiisadda Badda Cas

Wasiir Blinken oo si adag uga hadlay xiisadda Badda Cas

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay weerarada sii kordhiya ee ay Xuuthiyiinta Yemen ka gaysanayaan marin biyoodka Badda Cas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Badda Cas ka dhaceen weeraradii ugu waaweynaa, oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya iyo gantaalo.

Wasiirka ayaa ka digay halista ka dhalan karta weerarada ka sii socda Badda Cas ay Xuuthiyiintu ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan kuwa laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee la macaamila dekedaheeda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Iran ay tahay cidda Xuuthiyiinta ka gacan siisa dhinaca farsamada casriga ah, qalabka, xogaha sirdoonka iyo weliba tababarada.

Waxa uu Iran ugu baaqay in ay joojiso taageeradeeda Xuuthiyiinta, waxaana uu sheegay haddii weerarada Badda Cas ay sii socdaan ay yeelan doonaan cawaaqib xumo, mana sheegin nooca cawaaqib xumadaasi.

Wasiir Blinken ayaa Bariga Dhexe u jooga dadaalo diblomaasiyadeed, oo Mareykanku uu doonayo in lagu xakameeyo dagaalka ka socda Marinka Gaza, si aanu ugu fidin gobolka.

Blinken ayaa xalay dalka Bahrain kula kulmay boqorka dalkaasi, Hamad bin Isa Al Khalifa, kaas oo uu sheegay in ay ka wada hadleen iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal iyo waxa uu ku sheegay xorriyadda socodka Badda Cas.

Mareykanka ayaa bishii December sameeyay isbahaysi ka kooban dhowr iyo toban dal, oo sida la sheegay ka hortagi doona weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa weeraradooda garab istaag ugu muujinaya shacabka Falastiiniyiinta ay Israel ku xasuuqeyso Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc