Home Dhacdooyin Wasiir Doodishe “Hay’adda NISA waa inay sharciga ku dhaqantaa”

Wasiir Doodishe “Hay’adda NISA waa inay sharciga ku dhaqantaa”

by Laacib

Wasiirka Amniga Somaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ugu baaqay inay ku dhaqanto sharciga, xilli uu shalay galab ka hadlayay munaasabadda furitaanka ee Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay’adda NISA.

Xafiiskan ayay shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira xadgudubyada ay gaystaan Saraakiisha & Ciidanka NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoona dadweynuhu ay si toos ah ula xiriiri karaan xafiiskaasi, si ay cabashooyinkooda ula wadaagaan.

Wasiirka ayaa sheegay in sharciga iyo caddaaladda ay lafdhabar u yihiin dowlad dhiska dalka, isagoona soo hadalqaaday in caddaalad darradu ay door weyn ku laheyd waxyaabihii keenay burburka Dowladdii Dhexe iyo colaaddii muddada dheer ka soo taagneyd dalka.

“Hay’addu waxay ka mid tahay gacmaha ugu waaweyn ama awoodaha ugu waaweyn ee qaranka lagu ilaaliyo, Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka waxay u taagan tahay ilaalinta danaha waaweyn ee ummadda. Marka ummaddii iyo qarankii aad ilaalineyseen waa inaad sharci ku ilaalisaan, tallaabo kasta oo qaadeysid waa inay sharciga waafaqsan tahay, haddii sharciga aysan waafaqsanayn waa inay jirto xisaabtan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Doodishe ayaa tilmaamay in sanadkii ay jirtay Xukuumadda Dan-Qaran inay soo kordhisay dhaqamo wanaagsan oo aan horey dalka uga jirin, taas oo keentay sida uu sheegay horumarka jira ee la gaaray.

“Horumarkan ama guulahan la xaqiijiyay waxaa saldhig u ah dhaqankii oo is bedelay, dhaqamo waayihii hore aan jiri jirin oo wanaagsan ayaa soo kordhay, mar kastoo dhaqankeenna aan wanaajino oo uu noqdo dhaqan sharciga iyo dastuurka waafaqsan dowladnimadeenana way hana-qaadeysaa, wayna xoogeysanaysaa, shacabka iyo dowladdana way kala nabad-gelayaan, shacabka dhexdiisana wuu kala nabad-gelayaa, qaranimadeenana way jireysaa, wayna waareysaa.” Ayuu yiri Wasiir Doodishe.

Furitaanka Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay’adda NISA ayaa imaanaya, xill Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay horaantii sanadkan ansixiyeen Sharciga Hay’adda NISA, oo dad badani ay walaac ka muujiyeen inuu sahlayo inaanan hay’addaasi lagu la xisaabtamin waxyeelada ay gaysan karto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc