Home Wararka Maanta Wasiir Doodishe oo laamaha amniga kala hadlay xoojinta amniga Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiir Doodishe oo laamaha amniga kala hadlay xoojinta amniga Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha laamaha amniga.

Kulanka ayaa si dhow looga hadlay sugidda amniga iyo xasilloonida caasimadda & nawaaxigeeda, maadaama ay caawa dalka ka bilaabaneyso munaasabadaha lagu xusayo toddobaadka xorriyadda.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Amniga ayaa warbixino looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada Hawlgalka Ciiltire, oo ayagu ah kuwo isku dhaf ah, kana kooban Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.

Geba-gabadii masuuliyiinta ayaa isku afgartay in la adkeeyo ammaanka Magaalada Muqdisho, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidul Adxa iyo toddobaadka xorriyadda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Yuusuf Cali Maxamed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc