Home Wararka Maanta Wasiir hore oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wasiir hore oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Magaalada Muqdisho ku dilay Wasiir hore oo ka tirsanaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Kooxahan ayaa Degmada Yaaqshiid ku dilay Xasan Axmed Muudey, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha & Waraabka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysnaa ay weerareen Ex Wasiir Muudey, wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Saladdii Casir ku soo tukaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dembiileyaasha ay ka baxsadeen goobtaasi, mana jirto cid ay illaa iyo hadda laamaha amnigu u soo qabteen falkaasi.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka, sida ay ku warantay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Xasan Axmed Muudey ayaa ka mid ahaa Golihii Wasiirada Hirshabelle, xilligii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyay dilka Ex Wasiir Muudey loogu gaystay Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc