Home Wararka Maanta Wasiir Jaamac oo ku dhawaaqay inay la wareegeen saldhigyadii ATMIS ka baxday

Wasiir Jaamac oo ku dhawaaqay inay la wareegeen saldhigyadii ATMIS ka baxday

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxdo ula wareegeen dhammaanba saldhigyadii ay banneeyeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS.

Wasiirka ayaa shaaciyay in 2,000 oo Ciidanka ATMIS ah ay kala wareegeen xeryihii ku lahaayeen qaybo ka mida gobolada dalka, taas oo qayb ka ah qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka, si waafaqsan qaraarkii Qaramada Midoobey ee sheegayay in ATMIS ay dhammaadka bisha June dalka kala baxdo 2,000 oo askari, tiiyoo uu Taliska ATMIS sheegay inay fuliyeen.

“Waxaan rabaa inaan si rasmi ah u shaacino inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen laba kun oo ka mid ah Ciidanka ATMIS, taas oo heshiiskeedii horey loo galay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa xaqiiqo ah in walaalaheena ATMIS oo muddo nala joogay inay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqti badana ay geliyeen amniga dalka Soomaaliyeed, sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni fiican.”

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay “Waxaa kaloo xaqiiqo ah in Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen heer lagu haleen karo amniga dalka, ayna u diyaargaroobayaan inta ka dhiman dhammaadka 2024-ka, oo ay dhici doonto bixidda askariga ugu dambeeya ee ATMIS.”

Wasiir Jaamac ayaa ka mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay, sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay si nabadgelyo leh ula wareegi lahaayeen saldhigyada ay ka baxeen Militariga ATMIS.

“Marka waxaan rabaa in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu ku kalsoonaado, ogaadana amnigeenna annaga inaan sugano inay tahay qayb ka mid ah xorriyadeennii ama gobanimadeennii, sidaasi daraadeedna ay ku kaalmeeyaan wiilashooda iyo gabdhahooda inay la wareegaan amnigooda.” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ciidanka ATMIS ayaa toddobaadkii hore banneeyay saldhigyadii ay ku lahaayeen Cadale, Xaaji Cali, Miirtaqwa, Arbacow, Marka Ayuub, Aljazeera One iyo Gariley.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc