Home Wararka Maanta Wasiir ka tirsan DF oo kormeeray xero xalay la weeraray (SAWIRRO)

Wasiir ka tirsan DF oo kormeeray xero xalay la weeraray (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka, Saalax Shariif Sayid Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday deegaanka Goofgaduud Buurey, oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa deegaankan ku leh mid ka mid ah goobaha laga difaaco amniga Magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa goor dambe oo xalay ahayd si weyn isaga caabiyay weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ku soo qaadeen xerada ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Wafdiga Wasiir Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Taliyaha cusub Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo Saraakiil kale ayaa ciidamada ugu tegay, sidii ay ugu dhiirigelin lahaayeen shaqada ay qaranka u hayaan, iyagoona gaarsiiyay deeq xoolo nool ah.

Wasiir Kuxigeenka Diinta & Awqaafta ayaa sheegay inay markii ugu horreysay tahay oo uu deegaankaasi soo booqdo, uuna u yimid sidii uu ciidamada ugu bogaadin lahaa difaaca dalka.

“Goofgaduud waa markii ugu horreysay ee aan imaado, dan kalena uma iman ee waxaan u imid geesiyaasha qaranka ee Goofgaduud ku sugan, si fiicana u difaacay, inaan dhaho waad mahadsan tihiin, sharaf ayaadna leeyihiin.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

“Marka labaad dagaalka aan annaga ku jirno ee idinka aad hormuudka u tihiin, qoryahana u haysataan waa dagaal cibaado.” Ayuu sii raaciyay Wasiir Kuxigeenku.

General Xasan Baydhabo ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada uu ku wargelinayo in maalmaha soo socda la qaadi doono guluf ka dhan ah mintidiinta Al Shabaab.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isu diyaarineysa wejiga labaad ee hawlgalka ay tahay in Shabaabka lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc