Home Wararka Maanta Wasiir Karoore oo qaraxii Beledweyne la barbardhigay midkii Zoobe

Wasiir Karoore oo qaraxii Beledweyne la barbardhigay midkii Zoobe

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa si adag uga hadlay qaraxii xooganaa ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay kontoroolka Horseed oo qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dadka deegaanka lagu hayo baabi’in, xilli sida uu sheegay ay u dhabar-adaygeen dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

“Dadka deegaankan degan waa dad u dhabar-adaygay xabadda iyo dagaalka Al Qaacidda, waxaana ku socdo burburin, baabi’in iyo hagardaamo ballaaran.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qaraxan la barbardhigay midkii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, oo galaaftay nolosha dad fara-badan, dhismayaal badana ay ku burbureen.

“Halkan waxay u egtahay qaraxii Zoobe oo kale inuu ka dhacay, waa masiibo ka dhacday xaafad ka mid ah xaafadaha Beledweyne, waana meel halbowle suuq oo waddo ah oo Horseed la yiraahdo, xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako meelaha ay iska qabtaan ah.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaag dhab ah u muujiyaan dadka reer Beledweyne ee masiibadu ay ku dhacday.

“Waxaan rajeynaynaa in dadka Soomaaliyeed ay garan karaan waxa meeshaan ka dhacay waxay yihiin, waxaana weydiisanaynaa garab istaag dhab ah iyo gurmad dhinac kastaba, Dowladda Soomaaliyeed-na waxaan ugu baaqaynaa dadka reer Beledweyne oo qaraxu ku soo laalaabtay, shacabkooduna u dhabar-adaygay wixii halkan ka dhacayay inay soo garab istaaggaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Karoore ayaa sheegay in markii Shabaabka looga adkaaday goobta dagaalka ay doonayaan inay burburiyaan xaafadaha la degan yahay, suuqyada iyo xafiisyada dowladda.

“Shabaab dagaalkii fool ka foolka ahaa iyo furimaha waa looga adkaaday, suuqyada, xaafadaha iyo xafiisyada dowladda ayay rabaan inay qarax ku baabi’iyaan, horeyna way u soo dhacday, waana ka noolnahay, inteennii dhimatayna Ilaahay ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Ilaahay baan caafimaad uga baryaynaa.” Ayuu yiri Karoore

Karoore ayaa dadka reer Hiiraan ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal gobolka lagaga sifeynayo haraadiga maleeshiyda Al Shabaab.

“Waxaana rajeynaynaa inaan ka adkaan doono Khawaarijta iyo argagixisada, Madaxda iyo Qaranka Soomaaliyeed-na uu markhaati nooga yahay.” Ayuu sii raaciyay Karoore.

Goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa waxaa hareeraha kaga yaala xarumo ganacsi iyo guryo la deganaa, oo burbur baahsan ka soo gaaray qaraxaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc