Home Wararka Maanta Wasiir Karoore oo Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan colaad beeleedyada Hirshabelle

Wasiir Karoore oo Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan colaad beeleedyada Hirshabelle

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Hirshabelle.

Wasiirka ayaa sheegay in Shabaabku ay ka masuul yihiin colaadda u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee maalmihii ugu dambeysay ku dagaalamayay xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

“Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Shabaabku waxay ka shaqeynayaan in mar walba ay dadkii deriska ahaa, beeraleyda iyo xoolaleyda ahaa ay isku dhacaan, si looga mashquulo dagaalka ayaga ku wajahan.”

Waxa kaloo uu yiri “Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa.”

Dhanka kale Wasiir Karoore ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay haatan wadaan dadaalo loogu kala dab qaadayo beelaha walaalaha ah, dadaaladaas oo sida uu sheegay ay qayb ka yihiin odayaasha iyo waxgaradka ee labada gobol.

Wasiir Karoore ayaa beelaha deegaanka kula dardaarmay in ay ka feejignaadaan dhagarta Shabaabka, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in ay dhexdooda dagaalamaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc