Home Wararka Maanta Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Allaha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye, oo ahayd Wasiirkii Haweenka & Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Wasiiradda ayaa shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti, xilli ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre oo dalkaasi kaga qaybgelayay shirka Machadka Heritage.

Wasiiradda oo xanuun uu qabtay ayaa la dhigay isbitaal ku yaala Caasimadda Djibouti, halkaas oo la sheegay in qaliin loogu sameeyay, markii dambena ay ku geeriyootay.

Meydkeeda oo maanta laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa lagu la tukaday Salaadda Janaasada, oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno ka mid ah eheladeeda.

Marxuumadda ayaa markii dambe lagu aasay khabuure ku yaala Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale ka tirsaneyd Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona 23-kii sano ee ugu dambeysay ka tirsaneyd Baarlamaanka.

Madaxda Qaranka ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Khadiijo Maxamed Diiriye.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc