Home Wararka Maanta Wasiir Shiiqow “Ceelgaras waxay bilow u tahay qabsashada goobo badan”

Wasiir Shiiqow “Ceelgaras waxay bilow u tahay qabsashada goobo badan”

by Laacib

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa guul weyn ku tilmaamtay tallaabada ay maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduuud.

Ciidamada oo culeys weyn saaray deegaankaasi ayaa keentay in maleeshiyada Al Shabaab isaga baxaan Ceelgaras, oo ay ku lahaayeen difaacooda bari ee Magaalada Ceelbuur. Shabaabka ayaa Ceelgaras maamulayay muddo dhowr iyo toban sano ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay inaanay Shabaabku isaga bixin deegaankaasi, balse ay ku timid ciidamada oo dhan kastaba ka hareereeyay.

Wasiirka ayaa sheegaya in qabashada Ceelgaras ay bilow u noqon doonto guulo is daba joog ah, oo maalmaha soo socda ay ciidamadu ka gaarayaan goobta dagaalka, kuna xoreynayaan dhulka maqan ee Galmudug.

Waxa uu sheegay tan iyo weerarkii Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud in wax badan laga bedelay istiraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

“Waxaan dhihi karaa maalmihii ugu dambeeyay ee nimankan lagu soo geba-gabeynayaa lagu jiraa, mana jiri doonto guul darro dambe, Insha’Allah.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

“Ma jirto soo laabasho iyo dib u gurasho dambe ee ciidamadu waa weerar.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray inaanay jiri doonin goob looga hari doono Shabaab.

Tallaabada ay ciidamadu ku qabsadeen Ceelgaras ayaa kala jareysa gurmadkii Shabaabka Ceelbuur illaa Xiindheere.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc