Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga oo la kulmay Taliska Hawlgalka ATMIS (SAWIRRO)

Wasiirka Amniga oo la kulmay Taliska Hawlgalka ATMIS (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Taliska ATMIS.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay wada shaqeyntooda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dhinacyada ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga amniga ee labada dhinac.

“Wasiirka iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla-markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hay’adaha amniga, si loo helo Somaliya xasilloon oo ka caagan Khawaarijta.” Ayay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaabka hubeysan.

Waqtiga Hawlgalka ATMIS ee dalka ayaa ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan, waxaase suurtagal ah in muddada loo kordhiyo, haddii Villa Somalia ay u aragto inaanan la gaarin, xilligii ay soo geba-gabeen lahaayeen joogitaankoodii dalka, taas oo looga tusaale qaadanayo inay weli Al Shabaab khatar amni ku tahay Somaliya iyo gobolkaba.

Taliska Midowga Afrika ayaa tan iyo sanadkii hore waday qorshe lagu dhimayo tirada askarta kaga sugan Somaliya, ka dib markii xaaladda amni ee dalka loo arkay mid ka soo reynaysa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc