Home Wararka Caalamka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo qaabilay dhiggiisa Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo qaabilay dhiggiisa Mareykanka

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa maanta Magaalada Ankara ku qaabilay dhiggiisa Mareykanka, Antony Blinken.

Blinken oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa waxay Hakan Fidan ka wada hadleen xaaladda ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza.

Blinken ayaa la sheegay in uu isaga tegay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Caasimadda Ankara, ka dib ku dhawaad saddex saac oo uu ku sugnaa xaruntaasi, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Anadolu ayaa sheegtay inaanan weli wax war ah laga soo saarin kulan u muuqday mid xasaasi ahaa, oo labada dhinac ay halkaasi ku yeesheen.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Hakan Fidan uu Blinken ka dalbaday xabad joojin degdeg ah, oo aan wax shuruud ahi lahayn.

Blinken ayaa Turkiga ku jooga lugtii ugu dambeysay ee socdaalkiisa Bariga Dhexe, ka dib booqashadiisii Israel, Jordan iyo Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo Axaddii uu kula kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas

Dowladaha gobolka ayaa Mareykanka ku cadaadinaya in Israel uu culeys ku saaro in ay joojiso hawlgaladeeda militari, oo u muuqdo mid sii xoogeysanaya.

Washington ayaa la sheegaya in hadda ay dadaal ku bixineyso in la helo xabad joojin bani’aadantinimo, si lagaga jawaabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka dhalatay weerarada joogtada ah ee Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc