Home Wararka Maanta Wasiirka Caddaalad oo hortegay Golaha Shacabka, raaligelina u jeediyay

Wasiirka Caddaalad oo hortegay Golaha Shacabka, raaligelina u jeediyay

by Laacib

Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta mar kale hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona raaligelin ka bixiyay kulankii uu golaha la ballansanaa Sabtidii.

Wasiirka ayaa Sabtidii hortegay Golaha Shacabka, balse waxaa uu goobta isaga laabtay, isagoo aan jeedin hadaljeedintii laga sugayay.

Wasiirka ayaa xilligaasi golaha horgeeyay Hindise Shaciyeed, waxaase uu goobta dib uga laabtay, xilli aanu golaha wax sharaxaad ahi ka siinin Hindise Sharciyeedkaasi iyo hadafkii laga lahaa.

Tani ayaa ka careysiisay Xildhibaanada, qaarkoodna waxayba soo jeediyeen in Wasiirka loo qaado cod kalsoonida looga la noqonayo.

Xasan Macalin Maxamuud, Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka oo maanta hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa ayaa raaligelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid, xilligii ay ahayd inuu golaha horyimaado.

Wasiirka ayaa sababta dib u dhiciisa ku sheegay in maalintaasi looga yeeray Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay Madaxtooyada, isla-markaana uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ayaa ka jawaabay su’aalo uga soo noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hadda u muuqda kuwo ku qancay cudurdaarka Wasiirka, inkastoo qaarkood ay falkaasi ku tilmaameen dhaqan aan wanaagsanayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc