Home Wararka Maanta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee xukuumaddiisa iyo Wasiiradii hore.

Raysal Wasaaraha ayaa gelinkii dambe ee maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Biixi Imaan Cige iyo Wasiirkii hore ee wasaaraddaasi, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Wasiir Cige oo horey ugu magacawnaa Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaraddaasi, Maxamed Cilmi Ibraahim.

Raysal Wasaaraha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasiir Cige looga baahan yahay in uu halkaasi ka sii ambaqaado barnaamijka dayn-cafinta dalka, nidaaminta hay’adaha maaliyadda iyo in laga shaqeeyo, sidii dalku u yeelan lahaa lacag cusub oo Shillin Soomaali ah.

Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada uu faray in wixii hadda ka dambeeya loo baahan yahay in shaqooyinka dowladda loo tartamo, qofkana lagu qaadan doono aqoontiisa, iyadoo imtixaan laga qaadayo, lagana guuro hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Raysal Wasaare Barre ayaa Sabtidii magacaabay laba Wasiir iyo laba Wasiiru Dowle.

Wasiiru Dowleyaasha la magacaabay ayaa kala ah Abuukar Jeylaani Sheekh oo loo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta & Awqaafta iyo Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo isna loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc