Home Wararka Caalamka Wasiirka Difaaca Kenya “Kenya waxay leedahay laba cadow oo argagixiso”

Wasiirka Difaaca Kenya “Kenya waxay leedahay laba cadow oo argagixiso”

by Laacib

Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Kenya ay maanta yeelatay cadow labaad oo argagixiso, xilli uu socdaal ku marayay deegaanada dhaca xuduudda Kenya la wadaagto Somaliya.

Wasiirka ayaa Xisbiga Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga la barbardhigay maleeshiyada Al Shabaab, oo caqabad amni ku ah dalka Kenya.

Wasiir Ducaale ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kithure Kindiki in wasaaraddiisu ay wax ka qabato rabshadaha ay taageereyaasha Xisbiga Mucaaradka ka wadaan magaalooyinka dalkaasi, sida Magaalada Nairobi.

“Waxaan u sheegaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mr. Kindiki adigu la dagaalan kooxdan gudaha dalka Kenya carqaladda ka waddo, waxay la mid yihiin kooxaha argagixisada. Kuwa Nairobi dadka ku leynaya, hantida dhacaya, dalkana burburinayo waxay la mid yihiin Al Shabaab, waana argagixiso kale. Annagu waxaan la diriraynaa Al Shabaab, annaga oo adeegsanayna Ciidanka Militariga, adiguna waxaan kaa codsanaynaa inaad gudaha ka xoreyso dadkan siyaasadaha gaarka ah Kenya ka leh oo la mid ah Al Shabaab.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo ka hadlayay waxa uu la xiriiro kormeerkooda deegaanada xadka ayaa yiri “Halkan waxaan u nimid inaan shacabkayaga kala hadalno la dagaalanka Al Shabaab, mana ahan mid aanu qarinayno. Ciidanka Difaaca Kenya waxay dastuuriyan xaq u leeyihiin in dalka, dadka iyo xuduuudaha Kenya ay dhammaantood difaacaan. Al Shabaab waxaan kula dagaalamaynaa xuduudayada iyo gudaha dalka Somaliya, sababtoo ah Kenya waxay joogtaa gudaha Somaliya, masuuliyadna waxay ka saaran tahay in ay la dagaalanto cid kasta oo dalkani ku soo duuleysa oo gudaha Somaliya ku sugan.”

Kenya ayaa waddo qorshe ay ku hubeynayso shacabka ku dhaqan deegaanadaasi, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, iyadoo Shabaabku ay muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan Gobolada Xeebta iyo Waqooyi Bari Kenya.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa ku goodiyay in dibadbaxyada ay dhawaan bilaabeen ay toddobaadkiiba saddex cisho ka dhigi doonaan dalka, tani oo walaac amni ku abuurtay dadka Kenyanka.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee rabshadaha watay ee dalkaasi ka dhacay ayaa galaaftay nolosha in ka badan 10 qof, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacantay, halka la boobay goobo ganacsi.

Odinga ayaa si weyn uga horyimid sharci uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo lagu sameeyay canshuur kordhin, isagoona muddo toddobaad gudihiis ku soo abaabulay laba dibadbax oo sharcigaasi lagu diidan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc