Home Wararka Caalamka Wasiirka Difaaca Mareykanka oo la kulmay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Bahrain

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo la kulmay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Bahrain

by Laacib

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe ayaa maanta gaaray dalka Bahrain, si uu u xoojiyo isbahaysiga uu Mareykanka hoggaaminayo ee qorshuhu yahay in ay ka hortaggaan weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee Badda Cas.

Wasiirka oo Isniintii gaaray Israel ayaa uga sii gudbay dhanka dalka Bahiran, isagoona marka hore booqday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi.

Wasiirka ayaa markii dambe la kulmay Boqorka Bahrain, Hamad bin Isa Al Khalifa iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Salman bin Hamad Al Khalifa.

“Waxaan kulan muhiim ah la yeeshay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Bahrain.” Ayuu Wasiirka ku sheegay bartiisa X, isaga oo intaasi ku daray “Mareykanka iyo Bahrain waxay dejiyeen aasaas adag mustaqbalka.”

Wakaaladda Wararka Bahrain ee BNA ayaa ku warantay “Kulanka ayaa dib u eegis lagu sameeyay xiriirka labada dal, waxaana looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed.”

BNA ayaa sidoo kale sheegtay “Boqor Hamad ayaa bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee Bahrain & Mareykanka iyo horumarka iskaashiga ee dhinacyada kala duwan, oo ay ku jiraan isku xirka iskaashiga militariga iyo difaaca.

Boqorku waxa uu iftiimiyay doorka muhiimka ah ee ay Dowladda Mareykanku ka ciyaarto ilaalinta ammaanka iyo xasilloonida gobolka iyo horumarinta nabadda caalamiga ah, iyada oo la kaashaneysa xulafadeeda.”

Bahiran ayaa ka mid ah isbahaysiga 10 dal oo Mareykanka uu hoggaamin doono, kuwaa oo loo dhisay in ay ka hortaggaan weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas, waana dalka keliya ee Carbeed ee illaa iyo hadda qaybta ka ah isbahaysigaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc