Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maalintii labaad ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay u taggeen xal u helidda rabashadihii 12-kii bishan ka dhacay degmadaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo ku dagaalamay Baraawe ayaa sababtay geerida 10 qof iyo dhaawaca tiro kale.
Wasiika oo socdaalkan ay ku wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, General Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeeray fariisimaha ay ciidamada ku leeyihiin degmadaasi.
Wasiirka iyo xubnihii kale ee la socday ayaa Saraakiisha Ciidamada ka wareystay, sida uu ku bilowday dagaalka dhex maray labada ciidan, markii dambena xiisadda ka abuuray degmadaasi.
Guddoonka Maxkamadda Ciidamada ayaa Saraakiisha iyo ciidamadaba uga digay in ay ka fogaadaan isku dhac dambe, haatana ay sii wadi doonaan baaritaankooda.
Wasiirka Gaashaandhiggga ayaa Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si sharciga loo horkeeno askartii ka masuulka ahayd, waxa sababay gacan ka hadalkaasi.
Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa dadaal badan ku bixiyay, sidii loo dejin lahaa xiisadda Baraawe.