Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga oo hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Wasiirka Gaashaandhigga oo hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo shaqada uu qaranka u hayo, tani oo qayb ka ah la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyay arrimo ay ka mid yihiin hawlgalada dalka, heshiiska ay Somaliya ugu biireyso amaba ay kaga mid noqoneyso Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika iyo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii ka dhacay Kalliyadda Tababarka Ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Wasiirka ayaa iska fogeeyay eedeymo ay Xildhibaanada qaarkood u jeediyeen, oo laga xusi karo inaanu ka tacsiyadeen qaraxaas oo askar badan ay ku dhinteen iyo inaanu jecleyn in uu golaha horyimaado, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha taagan.

“Arrinta tacsida ee xerada, qofka xanuunka ugu badan uu ka soo gaarayo waa qofka masuuliyadda hayo, daqiiqaddaas qofka dhaawaca ah inuu daweeyo laga rabo, meydkana inuu aaso laga rabo waaye. Xanuun bay nagu haysaa, laakiin waxaad ogaaneysiin qof dagaal ku jiro kellida maxaa toorey iiga gelisay iyo madaxa maxaad saan iiga yeeshay, war kuma lahan. Annaga dagaalaa ku jirnaa, intaas iyo in ka badan furimaha ayay nooga soo shahiidaa, maalin walbaana aasnaa.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay “Wiil Soomaaliyeed oo mustaqbal leh, wiil Soomaaliyeed hooyo iyo aabe ay soo direen, wiil Soomaaliyeed oo qarankiisa diyaar u ahaa inuu difaaco ayaa subax walba, asagoo dhaawac ah ama asagoo shahiiday furimaha ka soo qaadnaa, niman masuuliyadooda ka cararaayana ma nihin.”

Wasiir Jaamac ayaa Xildhibaanada u sheegay in uu socdo baaritaanka weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, dadka dhacdadaasi u xirana ay Saraakiil ciidan ka mid yihiin.

“Ka wasaarad ahaan shaqadayna waa socotaa, xogna idiinkuma seegna, in baaritaan socdo, inay Saraakiil badan xiran yihiin iyo in kuwo badan ay su’aalo ku socoto, waad ogtihiin.” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac ayaa ugu dambayn sheegay in ay diyaar u yihiin in dib looga yareeyo, waxna uu Baarlamaanku ka weydiiyo baaritaanka socda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc