Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Saraakiisha Turkiga ee yimid Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Saraakiisha Turkiga ee yimid Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee la socda markabka dagaal ee TCG Kınalıada (F-514), oo Talaadadii ku soo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Saraakiisha Turkiga ee magaalada u jooga dhaqangelinta heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal.

“Ajandaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo ka mid ah heshiiskii Somaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka iyo taakuleynta ciidamada.” Ayay ku warantay Warbaahinta Dowladda Federaalka.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in kulanka intiisa badan looga hadlay arrimaha ciidamada.

Wasiir Jaamac ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Saraakiil uu ka mid yahay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, General Maadey Nuurey Sheekh.

Somaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo Somaliya looga caawinayo ilaalinta xeebaheeda iyo dib-u-dhiska Ciidanka Badda, iyadoo heshiisku uu socon doono muddo 10 sano ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii sheegay in Somaliya ay maanta ugu dhowdahay in ay ilaashato baddeeda.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan heshiiska ay dowladdooda la gashay Turkiga iyo taageerada hagar la’aaneed ee uu Turkigu la garab taagan yahay Somaliya.

Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Somaliya leedahay, iyadoona uu ka taageero arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xiriirka labada dal ayaa aad u xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc