Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray saddex kun oo askari (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray saddex kun oo askari (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta 3,000 oo askari tababar ugu soo xiray dalka Uganda.

Ciidamadan oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababarayay dalkaasi.

Ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay dhoolatus ku aaddan xirfadooda ciidanimo, xilli munaasabaddii tababarka loogu soo xirayay ay ku sugnaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Vincent Ssempijja iyo Taliyaha Ciidamada ee dalkaasi, General Wilson Mbadi.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ciidamada ku bogaadiyay inay u diyaargaroobeen difaaca qarankooda.

“Maanta waxaad qaadateen tababarkii ugu horreyay oo jir iyo farsamaba leh, waxaad kaloo qaadateen tababar maskaxeed oo ah inaad u diyaargaroodeen maskax ahaan inaad qarankiina ku difaacdaan naftiina, caqligiina iyo xoogiina.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Diyaargarowgaasi aad u diyaargaroodeen la dagaalanka Khawaarijta iyo inaad shacabka Soomaaliyeed amnigooda sugtaan, waxaad go’aan ugu qaadateen inay dhab idinka noqoto ayaa la idinka rabaa.”

“Qofka bani’aadamka ah waxa ugu dambeeyo ee uu bixiyo waa nafsaddiisa, waxaad keenteen oo aad la soo shir-tagteen idinkoo dhallinyaro ah mustaqbalkiina hor leeyahay inaad dalkiina, dadkiina iyo diintiina u dhimataan.” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac ayaa ciidamada kula dardaarmay “Waxaa idinka reeban wax walba oo xumaan ah inaad ku gaysataan tababarka la idin siiyay, oo diintuna xarimtay, shuruucda dalkana xarimtay.”

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo caawa dalka looga dabaaldegayo munaasabadda sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc