Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga oo toosh laba iyo toban qaad ah lagu hayo

Wasiirka Gaashaandhigga oo toosh laba iyo toban qaad ah lagu hayo

by Laacib

Ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa sii kordhaya tuhunka ay dadka qaarkii ka muujinayaan in aanay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) daacad ka ahayn dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo Isniintii dib u soo banneeyay Degmooyinka Ceeldheer & Galcad iyo deegaanada Wabxo, Budbud iyo Masagawaa ayaa qaybtood waxay Talaadadii gaareen magaalo xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Ciidamadii qabtay Magaalada Ceelbuur ayaa iyana Talaadadii ka soo baxay magaaladaasi, iyagoona gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa la sheegaya inaanay dagaal uga soo bixin furimaha hore, balse ay uga soo baxeen cabasho ay qabaan, taas oo ah in xubno ku dhex jira ay lugaha ku dhigan yihiin in horumar laga sameeyo hawlgalka militari ee Galmudug.

Tani ayaa dibadda keentay khilaaf toddobaadyo soo jiitamayay oo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow kala dhaxeysa Wasiirka Gaashaandhigga.

Taliyaha ayaa la sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu la wadaagay cabasho uu sheegay inay ka yihiin Saraakiil door hoggaamineed ku leh hawlgalka Gobolada Dhexe, isla-markaana ka amar-qaata Wasiirka Gaashaandhigga.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu caro ka muujiyay Saraakiishaasi oo qayb ka ahaa istiraatiijiyadda dagaal ee Gobolada Dhexe, isla-markaana aanan ku shaqeyn awaamiirta Taliska Ciidamada.

Wixii ka dambeeyay weerarkii Cowsweyne indhaha Saraakiisha Ciidamada, siyaasiyiinta iyo bulshada qaybteed ayaa ku sii jeeday Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac qudhiisa ayaa la fahamsan yahay in hadda uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku wehlinayo furimaha dagaalka.

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa su’aal geliyay sababta uu Wasiirku u joogo jiidda hore.

“Wasiirka Gaashaandhigga waxaa la rabaa inuu fadhiyo barta hawlgalada, meesha howsha dhan ka socoto inuu fadhiyo, oo ciidanka ka dagaalamaya gees illaa gees uu masuul u yahayee inuu furimaha amaro ka dhiibayo oo meelaha qaarkood uu xoog ku riixo ma ahayn, waxayna ahayd Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Lugta inay daqiiqad daqiiqad isaga war qabaan. Marka Wasiirka waxaa loogu talagalay inuu bar cayiman fadhiyo, inuu maanta qori wato oo furinta joogo hal qof ayuu noqonaya, ciidankii iyo wasaaraddii oo dhana wuu dayacay, dhiirigelin ma ahan meesha uu joogo ee waa shaqo uu gabey.” Ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC.

Marka aad eegto ciidamada faraha badan ee ka hawlgalaya bartamaha dalka iyo sida ay u soo afjari la’yihiin Shabaabka oo aanay tiradooda sidaas u badnayn ayaa waxaa kuu muuqaneyso in gacan bidixeen ay jirto, iyadoona aan si dhab ah loo ogeyn halka ay sartu ka quransan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii hore bilaabay in uu si hoose u eego arrinta ciidamada. Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba sheegay in lala xisaabtami doono kuwa ciidamada u hoosaasinaya kooxaha argagixisada.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa dabka ku sii shiday far muuqa ka dhanka ah Wasiir Jaamac, ka dib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay inaanu xubnaha wafdigiisa ee ku wajahan Degmada Maxaas ku soo darin Wasiirka, haddii kalena aysan wax wanaagsan dhici doonin.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo tuhmaya in ciidanka lagu dhex jiro ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo kuwa ciidamada dibin-daabinaya, isla-markaana la abaalmariyo sida uu yiri geesiyaasha.

Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa ku baaqay in masuuliyiinta ciidamadu ay qaataan masuuliyadda waxyeeladii ciidamada qaarkood ka soo gaartay weerarkii Cowsweyne.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loo hayo amaba loo ciqaabay kuwa xagal-daacinaya qorshaha dagaal ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hadalhayn xoog leh ayaa ka dhalatay dib-u-dhaca weyn ee ku yimid hawlgalkii militari ee bartamihii bishii August ka bilowday Bariga Gobolka Galgaduud, iyadoo Shabaabkuna ay dib ugu soo laabteen dhul muddo fog ka hor laga saaray.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxda Qaranka ayaa la eegayaa wax ay ka qaban doonaan arrinta taagan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc