Home Wararka Maanta Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay sababta uu isu casilay

Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay sababta uu isu casilay

by Laacib

Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay jegadaasi.

Wasiirka ayaa is casilaaddiisa ku shaaciyay wareysi gaar ah oo caawa uu siiyay Horyaal24 TV, oo hoygiisa uu ugu yeeray.

“Waxaan idiinku yeeray xog aan doonayo inaan ummadda reer Somaliland gaarsiiyo, xogtaas oo ah xilkii aan u hayay Jamhuuriyadda Somaliland ee Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga maanta oo ay taariikhdu tahay 7-da bisha January, 2023 inaan xilkaygii halkaa ku soo koobo, oo aan iska casilo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa is casilaaddiisa u sababeeyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ku gaareen Magaalada Addis Ababa.

“Waxaan isu casilay waxaa weeyaan xaaladda dalkeenna maanta ku soo korodhay. Waad ogtihiin 1-dii bishan in Madaxweynuhu uu soo galay heshiis oo uu la galay dalka Itoobiya, isaga oo kula galaya 20KM oo xeebteenna ah inuu siinayo Xabashida, aniguna ra’yi ahaanteeda waan ka soo horjeedaa, mana ogoli, maadaama Xabashidu ama Itoobiyaanku dhul horena inagaga maqnaa, Soomaali haddaynu nanay, cadowga koowaad ee ummaddan Soomaalida ah ee Ilaahay Geeska Afrika ku beeray inay Itoobiya tahayna cid walba oo Soomaali ah, mid yar iyo mid weynba wuu ogyahay, maantana in nimankii dhulkeenna qayb haystay ee Itoobiyaanka ahaa uu yiraahdo baddiinnii baan soo fariisanaya, oo 20KM baan ka qaadanaya bad iyo barriba yeeli maayo, anoo jooga oo xil hayana iman maayaan, haddaan dibadda joogana wixii rag yeelayo ayaan yeelaya, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Wasiir Caateeye.

Heshiiskan oo muran badan abuuray ayaa sababay in meelo badan oo geyiga Soomaalida ka mid ah, oo Somaliland-na ay ku jirto ay ka dhacaan dibadbaxyo lagaga soo horjeedo.

Heshiiska ayaa Itoobiya u ogolanaya in markii ugu horreysay ay marin badeed ka hesho dhulka Soomaalida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc