Home Wararka Maanta Wax ka ogow dhagax dhigga Dekedda Baraawe iyo cidda maalgelinaysa (SAWIRRO)

Wax ka ogow dhagax dhigga Dekedda Baraawe iyo cidda maalgelinaysa (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Dekedda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha oo Baraawe ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta degmadaasi gaaray ayaa marka hore ka hadlay soo dhaweyntiisa, isagoona sheegay in uu yimid meel laga jecelyahay.

“Meel aad lagaaga jecelyahaa timid, aadna waan kugu faraxsanahay, deegaankaga ku soo dhawoow, waxaana jecelnahay in marar badan aad soo noqnoqon doontid, maadaama ay tahay Caasimaddii Koonfur Galbeed, xarumihii dowladda oo dhana aan ka diyaarinayno, sidii ay Koonfur Galbeed ugu hawlgali laheyd.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay dib u hawlgalinta Dekedda Baraawe ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan Baraawe ka hirgelino deked weyn oo ganacsi caalami ah, oo Somaliya ma ahanee dowladaha deriska xitaa looga adeego.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay inay heleen ganacsato waaweyn oo maalgashi ku sameysa Dekedda Baraawe, isla-markaana bixinaya dhaqaalaha dib loogu hawlgelinayo dekeddaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ganacsatada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay saami ku darsadaan amaba ku yeeshaan howlaha dhismaha ee dekeddaasi.

Madaxweyne Laftagareen ma sheegin dalka laga leeyahay shirkadda maalgelinaysa dekeddaasi, balse waxaa la fahamsan yahay inay Dowladda Emirate-ka Carabta in muddo ahba xiiseynaysay inay maalgashato dekeddaasi.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Dhacdo.com u sheegay in ganacsato u dhashay dalkaasi ay yihiin kuwa maalgelinaya dhismaha iyo dib u habaynta Dekedda Baraawe.

Haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo in dekeddaasi lagu wareejiyay Abu Dhabi ayaa waxay noqon doontaa dekeddii 3aad ee lagu wareejiyo.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Emirate-ka Carabta ayaa horey ula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Dekedda Baraawe oo muddo dheer aan lagu sameyn wax dayactir ah ayaa keentay inaanay sanado badan shaqeyn. Dib u hawlgalinteeda ayaa fursad dhaqaale u noqon karta Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc