Home Wararka Maanta Wax ka ogow sababta ugu weyn ee loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista Dastuurka

Wax ka ogow sababta ugu weyn ee loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista Dastuurka

by Laacib

Xildhibanaada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista Dastuurka KMG.

Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 3aad iyo ansixinta habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista Dastuurka KMG ayaa waxaa soo xaadiray 184 xubnood oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo 36 ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in 201 Mudane ay haa ugu codeeyeen habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista Dastuurka KMG, sidaasna uu ansax ku yahay.

Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa ka horyimid hannaanka loo maray ansixinta habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista ee Dastuurka KMG

Qodobka wax ka bedelka ee Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kala qaybsanaan ka dhex dhaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 25-kii bishii November furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay dhameystiraan Dastuurka KMG.

Ujeedada ugu weyn ee wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka KMG ayaa ah in la waafajiyo heshiiskii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee ay 27-kii bishii May ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa xilligaasi ku heshiiyay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo keliya, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira, ee ah Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Heshiiska ayaa waxaa ku cad in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc