Home Dhacdooyin Webiga Jubba oo si weyn ugu fatahay saddexda gobol ee Jubbaland

Webiga Jubba oo si weyn ugu fatahay saddexda gobol ee Jubbaland

by Laacib

Webiga Jubba oo mara qaybo ka mida Gobolada Koonfurta ayaa fatahaad xoogan ka gaystay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Fatahaadda ayaa baabi’isay dhul beereed ballaaran oo ku yiilay, laga soo bilaabo min Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo illaa deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Webiga ayaa sidoo kale meelo badan kaga fatahay Gobolka Jubbada Dhexe, oo ay Al Shabaab si buuxdo gacanta ugu wada hayso.

Wasiirka Beeraha Jubbaland, Geelle Muxumed Aadan ayaa sheegay illaa iyo hadda inaysan jirin cid ku dhimatay daadadka ka dhashay fatahaadda webiga, marka laga soo taggo in dalagii beeraha ay la taggeen.

“Biyo badan baa yimid, webigana waa fatahay oo deegaano badan buu waxyeeleeyay.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay “Dhul badan buu ku fatahay webiga, laga soo bilaabo Buulo Iidow meesha la yiraahdo, Raaxoole oo agagaarka Magaalada Bu’aale ah iyo wareegta meesha la yiraahdo, kii Jilib waa fatahay, kii agagaarka Jamaame aad buu u fatahay, laga soo bilaabo bartii Jiimeey illaa iyo inta u dhaxeyso Buulo Gaduud, dhulka oo dhan biyaa soo galay. Dhashaygii weynaa ee Faryaamo biyaa galay, ayadoo dalag fiican uu ku yaalo oo dadku ay daba joogaan, haddana waxaan kula talinayaa inay samir badan sameeyaan, wixii ay dowladdu tari kartana diyaar bay ula tahay.”

Wasiirka ayaa yiri “Dadkaa waa laga war-qabaa, waana lala socda, geeri ma dhicin oo dad ay biyo laayeen ma jiro, laakiin dalag badan baa khasaaray.”

Geelle Muxumed Aadan, Wasiirka Beeraha Jubbaland ayaa tilmaamay in fatahaaddu ay u muuqato mid hadda uun bilow ah, isagoona shacabka ugu baaqay in ay taxadaraan.

“Dhibaatada na haysataa waxaa weeye maalina haraad baan la qaxaynaa, maalina fatahaad baan la qaxaynaa, tabarta Soomaalidaa sidaa noqotay, aad baan uga xunahay inaan biyahaas ka faa’iideysan weyno oo dadkeennii ay dhibaato ku noqdeen, aad baan uga xunahay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Toddobaadyo ka hor, Webiga Shabelle ayaa ku fatahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle oo dhawaan booqday Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in 245,000 oo qoys ay khasab ku noqotay in ay guryahooda ka barakacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc