Home Wararka Maanta Webiga Shabelle oo bilaabay in uu ku fataho Hirshabelle iyo cabsi badan oo jirta

Webiga Shabelle oo bilaabay in uu ku fataho Hirshabelle iyo cabsi badan oo jirta

by Laacib

Webiga Shabelle oo bilaabay in uu ku fataho Hirshabelle iyo cabsi badan oo jirta

Webiga Shabelle ayaa bilaabay in uu ku fataho deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii uu sare u kacay heerka biyaha webiga ee gobolkaasi.

Tani ayaa loo aaneynaya roobka dayrta oo ka curtay buuraha dalka Itoobiya, isla-markaana biyo guurto lagu sheegay oo ka soo rogmaday dalkaasi ay sababeen in webiga uu xilligan fatahaad ka gaysto gobolaasi.

Fatahaadda ayaa la sheegay inay baabi’isay dalagii beeraha ee qaybo ka mida gobolka, xilli beeraleyda ay sugeysay in dhawaan ay gurtaan dalagaasi.

Fatahaadda webiga ayaa sidaan oo kale bishii April u baabi’isay dalagii beeraha ee dadka deegaanka, ka dib markii uu webigu si weyn ugu fatahay dhul beereed baaxad leh oo ku yaala gobolka.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cumar Maxamed Cumar (Cumar Gaabow) ayaa sheegay in fatahaadda xoogeeda ay hadda ka jirto qaar ka mid ah tuulooyinka hoostagga Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegaya in Degmada Mahadaay ayba qarka u saaran tahay in webiga uu ku fataho, ka dib markii biyaha webiga ay meelaha qaarkood soo jabsadeen.

“Degmada Mahadaay oo kale shalay iyo maanta waxaa biyaha laga celcelinaya xaafadda Kacaanka xaafad la yiraahdo oo ka tirsan Degmada Mahadaay, oo ayadana ay biyaha ku fataheen, balse dadka deegaanka ayaa ku dadaalaya inay ka hortaggaan.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Waxa uu sheegay in fatahaaddan ay ka soo hormartay fatahaadaha kale ee la filayo in toddobaadyada soo socda ka dhashaan roobabka mahiigaanka ee laga digayo in dalka ka da’i doonaan iyo weliba duufaanta El Nino ee la sheegay in ay ku soo wajahan tahay dalalka dhaca Geeska Afrika.

“Wasaaradda waxay diyaargarow ugu jirtaa in laga hortago fatahaadaha kale ee ka dhalan doona duufaanta El Nino iyo roobabka daadadka wato ee la filayo inay dalka ka da’aan, taas qorshaheeda iyadoo aan la gaarin ayay biyahan ka hordhaceen.” Ayuu yiri Wasiir Cumar Gaabow.

Cumar Gaabow oo ka hadlayay cabsada ay qabaan ayaa yiri “Ka Hirshabelle ahaan sida hadda aan saadaasha ku ognahay ama na loogu sheegay roobabka lixaadka leh ee dabeylaha wato waxay ka da’i doonaan illaa soonaha Hiiraan, Shabellaha Dhexe-na waxaa looga cabsi qabaa inay ka dhacaan fatahaado hor leh, oo ay sababaan duufaantaas iyo roobabka ka da’i doona Gobolada Dhexe.”

Dadka ku dhaqan labada gobol ee Hirshabelle ayaa cabsi badan ka qaba in mar kale ay fatahaado uga barakacaan deegaanadooda.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa sheegtay in ay jirto cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan dalka uu wajaho dabeylo iyo roobab mahiigaan ah, oo sababi kara fatahaado iyo daadad.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa si weyn uga digaya isbedel cimileed oo khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Digniinaha ayaa muujinaya in khatarta ugu badan ay wajihi karaan dadka ku nool xeebaha iyo dhulka ay webiyadu maraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc