Home Wararka Maanta Weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Degmada Jilib

Weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Degmada Jilib

by Laacib

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ka fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) ayaa sheegtay in duqaynta lagu bartilmaameedsaday goobo gaar ah, isla-markaana ay waxyeelo xoogan ka soo gaartay maleeshiyada Al Shabaab.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabaab. Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa gaystay Khasaare xoogan, oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.” Ayay ku warantay SONNA.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ee dalka ka hawlgala ayaan weli ka hadlin weerarka dhanka cirka ee ka dhacay Degmada Jilib.

Ururka Al Shabaab ayaan sidoo kale dhankooda ka hadlin duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday degmadaasi. Drones-ka Mareykanka ayaana horey tiro duqaymo ah uga gaystay Jilib.

Shabaabka ayaa Jilib ka arriminayay muddo dhowr iyo toban sano ah, waxaana lagu tilmaamaa xaruntooda ugu weyn ee ay dalka ku leeyihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc