Home Wararka Maanta Weerar ka dhacay kontorool laga ilaaliyo amniga Garoonka Baydhabo

Weerar ka dhacay kontorool laga ilaaliyo amniga Garoonka Baydhabo

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday bar kontorool oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deegaanka Makuudo oo dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Makuudo oo ku dhow kontoroolka Carro Gaduudda ayaa laga ilaaliyaa amniga Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-gaduud, sidoo kalena waa xero ay degan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay fiidnimadii xalay xeradaasi ku soo weerareen gantaalaha garbaha laga tuuro iyo qaraxyo, ay dadka deegaanku sheegeen in halkaasi laga maqlay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in illaa saddex hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha magaalada, inkastoo aanay jirin cid wax ku noqotay, inta la ogyahay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay culeys soo saareen Ciidamada Militariga ee degan Xerada Makuudo, balse markii dambe lagu khasbay in ay dib u gurtaan.

Sarkaal ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Dhacdo.com u sheegay in Shabaabku ay ka carareen meydka dhowr nin.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in dhankooda ay laba askari dagaalka ka soo gaareen dhaawacyo fudud.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Xerada Makuudo, xilli Koonfur Galbeed ay diyaargarow ugu jirto wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc