Home Wararka Caalamka Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay dalka Australia (SAWIRRO)

Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay dalka Australia (SAWIRRO)

by Laacib

Weerar ku bilowday tuuriyeen ayaa maanta ka dhacay suuq laga dukaameysto oo ku yaala Magaalada Sydney ee dalkaasi Australia.

Wararka ayaa sheegaya in dadweyne fara-badan ay ku kala carareen Suuqa Westfield ee saaran Isgoyska Bondi.

Suuqa oo ahaa mid si weyn u camirnaa ayaa daqiiqado yar gudahood isugu bedelay mid haawanaya.

Dadka ayaa ka baxsanayay baqdin la xiriirta in toogasho ay ka bilaabato gudaha suuqaasi.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in rasaas laga maqlay goobta uu weerarku ka dhacay, isla-markaana ay ciidamada amniga soo dhoobteen dhammaanba waddooyinka soo gala suuqaasi.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Warbaahinta ABC in ay maqleen rasaas, waana wax yar uun ka dib, markii ay halkaasi ka dhaceen weeraro badan oo tooriyeen.

Roi Huberman oo ka tirsan ABC ayaa sheegay in uu ku sugnaa dhismaha ganacsiga, markii rasaasta laga maqlayay goobtaasi.

Booliska ayaa sheegay in adeegyada gurmadka degdegga ah looga yeeray Isgoyska Bondi, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad badani la tooriyeeyay.

Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay wadaan dadaalo lagu soo samatabixinayo, haddii ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha suuqaasi.

Ma cadda khasaaraha nafeed ee uu gaystay weerarka, balse Shaqaalaha Ambalaasta ee NSW (New South Wales) ayaa sheegay in ay goobta ka qaadeen dhaawaca toddobo qof, oo uu ku jiro ilmo sagaal bilood uun jiray.

Warbaahinta ABC ayaa tebisay in tiro dad ah ay ku dhinteen weerarkaasi, inkastoo aysan tiradooda saxda ah sheegin.

Waa weerarkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah oo lagu qaado xarunta laga dukaameysto ee ku taala bariga Sydney.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc