Home Dhacdooyin Weerar xoogan oo ka dhacay Caasimadda Ruushka ee Moscow (SAWIRRO)

Weerar xoogan oo ka dhacay Caasimadda Ruushka ee Moscow (SAWIRRO)

by Laacib

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray hoolka weyn ee bandhig faneedka ee Magaalada Moscow, kuwaa oo rasaas ku faray dadkii ku sugnaa hoolkaasi.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay weerarka, halka 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Ruushka ee Taas, oo soo xiganeysa Adeegga Amniga Federaalka (FSB).

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay sidoo kale adeegsadeen walxaha qarxa, oo sababay in dab xoogan uu ka kaco hoolka Crocus.

Dadka ku waxyeeloobay weerarka ayaa waxaa ka mid ah carruur, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka RIA.

Wasaaradda Caafimaadka Ruushka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warantay in saddex illaa shan nin oo hubeysan ay weerareen goobta uu bandhig faneedka ka bilaabanayay.

Wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka RIA ayaa sheegay in dableyda ay rasaas ku furayn dadkii halkaasi ku sugnaa, ka dibna ay bilaabeen inay bambooyin tuuraan, isaga oo intaasi ku daray in si degdeg ah uu dabku ugu fiday hoolka riwaayadaha.

Warbaahinta ayaa sheegtay in kooxaha dab demiska ay isku dayayeen inay baqtiiyaan dabka, xllli ciidamada ammaanka ay baadigoob ugu jireen raggii weerarka soo qaaday.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya uuro cirka isku shareertay oo ka imaanaysa dhanka dhismaha la weeraray, oo ku yaala Degmada Krasnogorsk ee waqooyiga Caasimadda Moscow.

Hoolka Crocus waa goob muusik oo sanadkii 2009 uu furay ganacsadaha lagu magacaabo Aras Agalarov, waana hool qaadi kara dhowr kun oo qof, isla-markaana martigeliya fanaaniin heer caalami ah.

Saxafiga ka tirsan RIA ayaa sheegay in dadku ay bilaabeen in iyagoo gurguuranaya ay goobta ka baxsadaan, inkastoo sida la sheegay ay jiraan dad ku go’doonsan dhismaha.

Adeegga Samatabixinta Ruushka ayaa sheegay in illaa 100 qof ay ka soo daadgureeyeen qaybta hoose ee hoolka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si toos ah loola socodsiinaya wararka ku saabsan weerarka, sida uu sheegay Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

“Madaxweynaha waxaa si toos ah loogu wargelinaya wararka la xiriira waxa socda iyo tallaabooyinka la qaadayo.” Ayuu yiri Dmitry Peskov.

Duqa Magaalada Moscow, Sergei Sobyanin ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay dhammaan xafladaha dadweynaha ee toddobaadkan la qorsheeyay in lagu qabto magaalo madaxda dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc