Home Wararka Caalamka Weerar xoogan oo lagu qaaday Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq

Weerar xoogan oo lagu qaaday Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq

by Laacib

Xoogaga ay Iran taageerto ee dalka Ciraaq ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii weeraray Ciidamada Mareykanka ee degan Saldhigga Cirka ee Ain Al-Asad ee dalkaasi.

Saldhiggan oo ku yaala gobolka galbeedka Ciraaq ee Al-Anbar ayaa lagu weeraray shan iyo toban gantaal, iyadoo laba ka mid ahna ay gudaha ugu dhaceen saldhiggaasi.

Saldhiggan militari ayaa waxaa isticmaala ciidamada isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee ka hawlgala dalkaasi.

Askar ka mid ah Ciidamada Mareykanka ayay dhaawacyo fudud ka soo gaareen weerarka, iyadoo askari ka tirsan Ciidamada Ciraaqna uu si xun ugu dhaawacmay weerarkaasi, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.

Sarkaal ka tirsan Booliska Ciraaq oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa AFP u sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay iska soo abaabuleen gudaha gobolkaasi.

Sarkaalkan ayaa tibaaxay in nidaamka difaaca hawada ee ku rakiban saldhiggaasi ay burburiyeen 13 ka mid ah gantaaladaasi, labadii kalena ay gudaha ugu soo dhaceen xeradaasi ciidan, sida uu yiri.

Sarkaal kale oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka oo sidoo kale aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in gantaalada ay waxyeelo u gaysteen saldhiggaasi, isaga oo intaasi ku daray in ay uruurinayaan xogta khasaaraha ay gantaladaasi gaysteen.

Weerarka ayaa imaanaya saacado uun ka dib, markii duqayn ka dhacday dalka Suuriya lagu dilay 5 ka mid ah Saraakiisha Ilaalada Kacaanka Iran ee dalkaasi ka hawlgala, waxaana uu weerarku ku soo aadaya, xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareereyso.

Kooxaha hubeysan Ciraaq ee xiriirka la leh Tehran ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi, haddii aysan Washington joojin taageeradeeda Israel.

Kooxahan oo loo arko Islaamiyiin qunyar socod ah ayaa si adag uga horyimid taageerada Mareykanka ee Israel ee duulaankeeda Gaza. Kooxahan ayaana bartamihii bishii October bilaabay inay weeraraan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka kaga sugan yihiin dalkaasi Ciraaq.

Iran ayaa dalalka gobolka qaarkood ka sameysay isbahaysi militari, oo la magac-baxay (Dhidibka iska caabinta), waana shakabado isku xiran oo intooda badan ka hawlgala dalalka Lubnaan, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen.

Xiisadda aadka u sarreyso ee ka taagan Bariga Dhexe ayaa salka ku haysa duulaanka Israel ee Gaza, oo si aan loo meel dayin ay ciidamadeeda ugu leynayaan dadka rayidka ah, tiiyoo gobolka ka abuurtay dareen xun, waana tan colaadda Gaza ka dhigeysa inay ku baahdo meelo badan oo gobolka ka mid ah.

Iyadoo Israel ay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay sheegtay in ay xididada ugu siibeyso Ururka Xamaas ayaa xoogaga ay Iran taageerto ee Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq ay u muuqdaan kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Israel iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

Xoogaga wax iska caabinta ayaa lagu sheegay cadowga Israel iyo xulafada Xoogaga Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc