Home Wararka Maanta Weerarada Xisbullah oo looga barakacayo waqooyiga Israel

Weerarada Xisbullah oo looga barakacayo waqooyiga Israel

by Laacib

Xoogaga Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa tan iyo Sabtidii kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan deegaanada waqooyiga Israel ee xuduudda labada dhinac.

Xoogaga Xisbullah ayaa maanta gantaalaha lidka taangiyada ku ekeeyay Magaalada Metula ee waqooyiga Israel, waxay sidoo kale bartilmaameedsadeen deegaano ay ka mid tahay Ruwaisat al-Asi.

War ka soo baxay Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay burburiyeen taangi ay leeyihiin Miliariga Israel. Warka ayaa lagu sheegay in weerarku uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Ruwaisat al-Asi.

Waxa kaloo warka lagu sheegay in Xoogaga Xisbullah ay dileen, ayna dhaawaceen tiro ka mid ah Ciidamada Israel oo ku sugnaa Magaalada Metula.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in gantaalada laga soo tuuray dhanka Lubnaan ay sidoo kale burburiyeen hotel ku yiilay Metula, mana sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay.

Dowladda Hoose ee Metula ayaa sheegtay in gantaalo kale oo laga soo tuuray koonfurta Lubnaan ay ku dhaceen meel bannaan, cid wax ku noqotayna aysan jirin.

Dhanka kale shacabka Israel ayaa ka barakacaya magaalooyinka iyo deegaanada ku dhow dhow xuduudda Israel la wadaagto Lubnaan.

Dadkan ayaa la sheegaya in ay gaarayaan dhulka aadka uga fog colaadda, iyadoona ay xaaladda xuduuddu tahay mid aad u kacsan.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa Jimcihii sheegay in Israel ay sameysay xadgudub aan laga aamusi karin, ka dib markii duqayn ka dhacday dalkaasi Lubnaan ay ku dishay Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, Saleh al-Arouri.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in ay Xisbullah ka falcelin doonto weerarkaasi, isla-markaana ay u aargudi doonto Arouri.

Xiisadda aadka u sarreyso ee Xisbullah kala dhaxeysa Israel ayaa daaran duulaanka Israel ay ku hayso Marinka Gaza, kuna leynayso dadka rayidka ah ee aan waxna galabsan.

Xisbullah ayaa horey uga digtay Israel in ay joojiso weeraradeeda cadowtinimada leh, si aanay colaadda ugu baahin gobolka intiisa kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc