Home Wararka Maanta Weeraro dhinaca cirka oo ka kala dhacay Gobolada Mudug iyo Galgaduud

Weeraro dhinaca cirka oo ka kala dhacay Gobolada Mudug iyo Galgaduud

by Laacib

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in weeraro dhinaca cirka ay maanta ka dhaceen deegaano ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa galabta bartilmaameed ka fuliyay Deegaanka Miliqo, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado joog hoose ku duulaya ay gelinkii dambe ee maanta duqayn ka gaysteen deegaanka Baalaldheer, oo hoostagga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqaymahaasi lagu dilay 27 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii lagu beegsaday saddex goobood oo maleeshiyadu ku lahayd deegaanadaasi.

“Hawlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarun oo khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanadan, waxaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay Khawaarijtu lahaayeen.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in firxadka Shabaabku ay gaareen deegaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud.

“Firxadka Khawaarijta baxsadka ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Xiindheere.” Ayaa warka lagu sheegay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc