Home Wararka Maanta Xaalad adag oo ka jirta Degmada Baardheere

Xaalad adag oo ka jirta Degmada Baardheere

by Laacib

Daadadka iyo fatahaadaha is wata ayaa kaga sii daraya xaaladda adag ee ka jirta Degmooyinka Gobolka Gedo ee uu maro Webiga Jubba.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya gobolkaasi ayaa keentay in webiga uu ku fataho Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo, Doolow iyo Luuq.

Xaaladda ugu daran ayaa la soo sheegaya in ay ka jirto Degmada Baardheere, oo dadkeedu ay ku barakaceen daadadka ku soo rogmaday magaalada, oo halbowle u ah qulqulka biyaha ka soo rogmanaya toga weyn ee dhinaca ka mara magaaladaasi.

Biyaha ka soo rogmaday toga Kurmaan oo ku darsamay webiga ayaa waddo u furtay in webiga uu si weyn ugu fataho labada daamood ee magaalada, ee webigaasi uu kala qaybiyo.

Muuqaalo laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya in biyaha webiga ay ka sare mareen buundada Baardheere, oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga gobolka.

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) oo ku sugan Degmada Baardheere ayaa walaac ka muujiyay biyaha sii kordhaya ee halkaasi ka jira.

Daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday ayaa meesha ka saaray gebi ahaanba ganacsigii ka jiray magaalada, iyadoona suuqii weynaa ee Baardheere uu haawanayo, ka dib markii biyuhu ay camamiyeen bakhaaradii iyo goobihii ganacsi ee magaaladaasi.

Dadka ka barakacay magaalada oo u badan dumar, dhallaan iyo dad da’ ah ayaa maciin biday dhulka taagga ee ka fog magaalada, halkaas oo roobabku ay ku da’ayaan, iyaga oo aan haysan wax ay roobka ka hoos galaan, dhaxanta habeenkiina ay ka dugaashadaan.

Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi), Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo ayaa sheegay in dadka ka barakacay magaalada ay wajahayaan xaalad adag oo nololeed.

“Wax ganacsi oo cunto ah oo dadkaasi u iman karo ma jiro, waddooyinkii oo dhan way xiran yihiin. Dadka gobolkan waxay wax uga iman jireen Muqdisho iyo Kismaayo, labadaasi meeloodna wax baabuur ah oo dhaqdhaqaaqi karo ma jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiye Al-Qaadi.

Gudoomiye Al-Qaadi ayaa ku baaqay in dadkaasi la gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, si noloshooda loo badbaadiyo.

Soomaalida ayaa dhibane u ah isbedel cimileed oo aanay qayb ka ahayn aadanaha sababay dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo.

Isbedelka cimilada ayaa horseeday in dalka ay ka dhacaan abaaro joogto ah iyo fatahaado soo noqnoqday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc