Home Dhacdooyin Xaalad cakiran oo ka jirta deegaanada Jubbaland (SAWIRRO)

Xaalad cakiran oo ka jirta deegaanada Jubbaland (SAWIRRO)

by Laacib

Daadadka iyo fatahaadaha xoogan ee ka dhashay roobabka ka da’aya Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa xaalad cakiran ka abuuray deegaanada Jubbaland.

Roobabka ayaa dhaliyay in daadad ku soo rogmadaan deegaanada qaarkood, halka Webiga Jubba uu isna fatahaado ka gaysanayo degmooyinka iyo deegaanada uu maro.

Daadadka iyo fatahaadaha ayaa sababay in ka badan laba boqol oo kun oo qof in ay ka barakacaan guryahooda, iyadoo illaa labaatan qof ay ku dhinteen, halka burbur hantiyeedna ay gaysteen.

Fatahaadaha ayaa burburiyay Buundooyinkii Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo, halka ay halis ugu jiraan in ay go’aan Buundooyinka Luuq, Bu’aale iyo Kamsuuma. Sidoo kale fatahaadda ayaa la sheegay inay cagta marisay dhul beereedyadii ku yiilay agagaarka webiga.

Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland ayaa diiwaangeliyay in biyuhu ay jareen illaa 60 waddo, oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo ganacsiga ee saddexda gobol ee Jubbaland.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Aadan Faarax Gaarane ayaa sheegay in dadka reer Jubbaland ay wajahayaan xaaladdii ugu adkeyd.

“Dadku waxay u baahan yihiin in la badbaadiyo, gurmad qaran baa loo baahan yahay. Xaalad degdeg ah oo runtii waxaan ku jirnaa middii ugu darneyd.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha ayaa sheegay in 138 kun oo qof ay hadda ku go’doonsan yihiin fatahaadaha iyo daadadka ka jira deegaanada Jubbaland, waxa uu intaasi ku daray inay adag tahay in gargaarka la gaarsiiyo dadkaasi.

“Caqabadaha hadda na soo gaareysa ayaa waxay tahay in gargaarkii loogu talagalay deegaanadaas ay hay’adihii la’yihiin meelo ay u marsiiyaan. Hay’adaha waxaan ku khasbaynaa in mashaariicda loo badiyo lacagaha dadka moobeelada loogu shubo, si waxa ay awoodaan ay markaas ugu gataan.” Ayuu yiri Gaarane.

Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa iyana ka mid ah meelaha ugu daran, ee ay halakeeyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.

In ka badan 50 qof ayaa ku geeriyooday saamaynta bani’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka ka da’aya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, sida ay xaqiijisay Hay’adda Maareynta & Masiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in tirada dadka ku barakacay qulqulka biyaha ay toddobaad gudaheed korortay laba laab.

Hay’adda OCHA ayaa sheegtay in masiibadani ay saameysay 1.7 milyan oo qof, guud ahaanba Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc