Home Wararka Caalamka Xaaladda dalka Niger oo u muuqato mid cirka isku sii shareereysa

Xaaladda dalka Niger oo u muuqato mid cirka isku sii shareereysa

by Laacib

Waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda ka dhex oogan Taliska Militariga Niger iyo Ururka Galbeedka Afrika (ECOWAS), oo amray in heegan la geliyo ciidamada gobolka.

Hoggaamiyeyaasha ECOWAS ayaa sheegaya in dhammaan qorsheyaashooda u adeegsiga oo awood militari ku jirto ay weli miiska u saaran yihiin, si dalkaasi dib loogu soo celiyo nidaamkii dastuuriga ee Niger ka jiray.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa Hoggaamiyeyaasha ECOWAS ku cadaadinaya inay fara-gelin ku sameeyaan dalkaasi, si talada dib loogu soo celiyo dowladdii rayidka.

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara ayaa sheegay in dalkiisu uu ka qayb qaadan doono hawlgalka militari, oo ay ku wehlin doonaan Nigeria iyo Benin.

Militariga Niger ayaase la sheegay inay ku hanjabeen in ay dili doonaan Madaxweyne Mohamed Bazoum, haddii dalalka ECOWAS ay soo weeraraan dalkaasi.

Laba Sarkaal oo Reer Galbeed ah ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in Taliska Militariga Niger ay diblomaasi sare oo Mareykan ah u sheegeen inay dili doonaan Madaxweyne Bazoum, haddii dalalka deriska iyo kuwo kale ee gobolka ay isku dayaan inay fara-gelin militari ku soo sameeyaan dalkaasi, xukunkana dib loogu soo celinayo dowladdiisii.

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay xaalad adag oo nololeed oo la sheegay inuu ku sugan yahay Madaxweynihii keliya Niger ee sida dimoqraadiyadda lagu soo doortay, gacantana ugu jira Ciidamada Militariga.

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xaaladda liidato ee laga soo sheegayo Madaxweyne Bazoum oo militarigu xireen 26-kii bishii July.

“Habdhaqanka noocaanoo kale ah ee lagu la dhaqmayo Madaxweyne si dimoqraadi ah hannaan doorasho loogu soo doortay maaha mid la aqbali karo.” Ayuu yiri Moussa Faki.

Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa codkiisa ku biiriyay walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo xaaladda Madaxweynihii xukunka laga tuuray.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay aad uga walwalsan tahay daryeelka iyo amniga ee Madaxweynaha xabsi guriga lagu hayo.

“Aad ayaan uga walwalsanahay isaga, qoyskiisa, ammaankiisa iyo daryeelkiisaba, waanu u caddeynay Hoggaamiyeyaasha Militariga inay masuul ka yihiin badqabkiisa iyo daryeelkiisa.” Ayuu yiri Blinken.

Lama oga waxa ay ku dambayn doonto xaaladda Niger, iyadoo kol sii horreysay ay Hoggaamiyeyaasha Mali iyo Burkina Faso sheegeen in ay difaaci doonaan dalka ay deriska yihiin ee Niger, haddii la soo weeraro.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc