Home Wararka Caalamka Xaaladda Suudaan oo u muuqato mid faraha ka sii baxeysa

Xaaladda Suudaan oo u muuqato mid faraha ka sii baxeysa

by Laacib

Xaaladda dalka Suudaan ayaa u muuqato mid ka sii dareysa, ka dib markii Taliska Militariga uu shaaciyay inuu hakiyay wada hadaladii nabadda ee Jeddah, isla-markaana ay kula lahaayeen Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF.

Wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac ayaa horaantii bishii May ka bilowday magaalo xeebeedka Jeddah, si dalka looga dhaqangeliyo xabad joojin heshiis lagu yahay.

Xabad joojintan oo garwadeen ay ka yihiin Sacuudiga iyo Mareykanka ayay dhinacyadu isla qaateen inay ilaaliyaan dadka rayidka iyo in gargaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo goobaha ugu daran.

Taliska Militariga ayaa sheegay in Xoogaga RSF ay noqdeen caqabadda koowaad ee heshiiskii xabad joojinta looga hirgelinayay dalka oo dhan, isla-markaana aysan weli ka bixin isbitaalada iyo xaafadaha rayidka ee Magaalada Khartoum.

“Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa go’aansaday in la hakiyo wada hadalada ka socda Jeddah, sababtoo ah maleeshiyada mucaaradka ah oo aysan ka go’neyn fulinta mid ka mid ah qodobada heshiiska iyo ku xadgudubka joogtada ah ee xabad joojinta.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Militariga.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Militariga oo lagu magacaabo S/guuto Nabil Abdallah ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in go’aankan uu jawaab u yahay xadgudubyada soo noqnoqday ee xabad joojinta bani’aadanimo, oo ay ku jirto in Xoogaga RSF aysan weli ka bixin isbitaalada iyo xaafadaha rayidka ee Caasimadda Khartoum.

Tani ayaa sare u sii qaaday cabsida laga qabo in dagaalku uu sii daba dheeraado, qulqulka barakacuna uu noqdo mid aad u baahsan.

RSF oo bayaan soo saartay ayaa dhalleeceysay tallaabada Taliska Militariga ku hakiyay wada hadaladii Jeddah, iyadoona ku eedeysay inuu yoolkoodu yahay inay xaaladda kaga sii daraan.

Labada dhinac ayaa midba midka kale, si joogto ah ugu eedeynayay inuu jebiyay xabad joojintii ugu dambeysay, oo soconeysay illaa Sabtida.

Bayaan ay si wadjira u soo saareen Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in Militariga Suudaan iyo Xoogaga RSF aanu midna ixtiraamin heshiiskii la gaaray.

Tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Caasimadda Khartoum, 15-kii bishii April ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay in ka badan sideed boqol oo qof, halka tiro ku dhow toddobo kun oo kalena ay ku dhaawacantay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc