Home Wararka Maanta Xamaas iyo Islamic Jihaad oo mowqif adag ka qaatay hindisaha heshiiska

Xamaas iyo Islamic Jihaad oo mowqif adag ka qaatay hindisaha heshiiska

by Laacib

Hoggaamiyeyaasha Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa mowqif mideysan ka qaatay wada hadalada socda ee ku aaddan in la hakiyo dagaalka Gaza, si loo gaaro heshiis la isku weydaarsanayo maxaabiista.

Ismail Haniyeh iyo Ziyad Nakhaleh oo xalay khadka teleefanka ku wada hadlay, ka dib markii lala soo wadaagay hindisaha qodobada heshiiska ayaa ku heshiiyay in heshiis kasta oo lala gelayo Israel uu noqdo mid gebi ahaanba lagu soo afjarayo duulaankeeda Gaza.

War ay si wadajira u soo saareen ayaa lagu sheegay inaysan sii deyn doonin la haysteyaasha Israeliyiinta, illaa iyo inta hindisaha heshiiska lagu saleynayo in si buuxdo loo soo afjaro dagaalka iyo in la is wada dhaafsado dhammaanba maxaabiista labada dhinac.

“Hindisayaasha loogu talagalay in lagu gaaro xabad joojin ka dhacda Gaza waa inay noqotaa mid gebi ahaanba lagu soo afjarayo gardarada Israel, in ciidamadeeda ay ka baxaan Gaza, in la soo geba-gabeeyo go’doominta muddada dheer saaran Gaza, in la fasaxo gargaarka iyo in dhammaan maxaabiista la is wada dhaafsado.” Ayaa lagu yiri warka.

Waxay dalbadeen in wada hadaladan ay fure u noqdaan dhammaadka weerarada cadowtinimada Israel iyo inaysan jirin maxaabiis dambe oo la kala haysto.

“Waa in wada xaajoodka xabad joojinta uu horseedo dhammaadka gardarada Israel, waana inaysan jirin maxaabiis la kala haystaa.” Ayaa lagu yiri warka Xamaas iyo Islamic Jihaad.

Hindisahan oo Mareykanka uu taageerayo ayaa ogolanaya in la dhaqangeliyo xabad joojin lix isbuuc ah, in Ciidamada Israel ay ka baxaan Gaza iyo in Xamaas ay la haysteyaasha Israeliyiinta ee Gaza lagu hayo ku bedelato maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Mareykanka ayaa dhinacyada ku cadaadinaya in ay gaaraan heshiis maxaabiis is weydaarsi ah, bacdamaa la haysteyaasha Israeliyiinta ay ku jiraan kuwo haysta laba dhalasho, oo qaarkoodna ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

Goor sii horreysay Wargeyska Wall Street Journal oo soo xiganaya Saraakiil aan magacyadooda la sheegin ayaa sheegay in Madaxda Xamaas ay isku khilaafsan yihiin hindisaha xabad joojinta, taas oo adkeynaysa buu ku waramaya inay heshiiska saxiixan.

Xeeldheereyaasha ayaa qaba in kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay yihiin cidda iska leh go’aanka ugu dambeeya ee nooc kasta oo heshiis ah oo la gaaro.

Kooxaha wax iska caabinta ayaa wacad ku maray inaysan dadkooda u soo qaadi doonin wax aan u cuntami karin.

In ka badan 27,131 qof ayaa lagu dilay duqaymaha joogtada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, tan iyo 7-dii bishii October, halka 66,287 kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc