Home Wararka Caalamka Xamaas iyo Israel oo is weydaarsaday maxaabiistii ugu dambeysay, muddada heshiiska

Xamaas iyo Israel oo is weydaarsaday maxaabiistii ugu dambeysay, muddada heshiiska

by Laacib

Israel iyo Xamaas ayaa xalay is dhaafsaday maxaabiistii ugu dambeysay ee wejiga labaad lixda maalmood ee xabad joojinta lagu heshiiyay.

Xamaas ayaa saqdii dhexe ee xalay sii deysay 14 qof, oo 10 ka mida ay Israeliyiin yihiin, halka 4-ta kalena ay u dhasheen dalka Thailand.

Waxaa ka sii horreyay laba la hayste oo u dhashay dalka Ruushka, kuwaa oo xalay ay Xamaas ka sii deysay Marinka Gaza.

War ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in sii deysmada labadaasi qof ay ka dambeysay, ka dib codsi uga yimid Dowladda Ruushka, iyadoo labada qof ee la sii daayay ay haween yihiin.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in muwaadiniin ka kooban 10 qof oo isugu jira haween & carruur iyo 4-ta kale ee u dhashay dalka Thailand ay dib ugu soo laabteen dhulka Israel.

Taliska ayaa sheegay in dadkaasi ay baaritaan caafimaad mari doonaan, ka hor inta aysan dib ula midoobin qoysaskooda.

Israel ayaa sidoo kale goor dambe oo xalay ahayd sii deysay 30 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

Heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza iyo qorshaha maxaabiis is weydaarsiga ayaa ku ekaa Arbacadii, iyadoo illaa iyo hadda aanay dhinacyadu ku heshiin wax muddo kordhin, marka laga soo taggo in weli ay waanwaan socoto.

Dowladaha Bariga Dhexe, sida Qatar iyo Masar oo gacan ka helaya Mareykanka ayaa ka sii shaqeynaya, sidii waqti dheeri ah loogu dari lahaa muddada heshiiska.

Dadaalada socda ayaa ah in la sameeyo xirmo kale oo xabad joojin ah, si ay u sii dheeraato joojinta weerarada Israel ee Gaza, loona sii daayo la haysteyaasha kale ee weli ku jira gacanta Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc