Home Wararka Caalamka Xamaas oo dab ka dhex shidday Netanyahu iyo qoysaska la haysteyaasha

Xamaas oo dab ka dhex shidday Netanyahu iyo qoysaska la haysteyaasha

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa sheegay in uu go’ay xiriirka iyaga iyo ciidamadooda gacanta ku haya la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu hayo Marinka Gaza.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay la’yihiin xiriirka xoogaga ay shaqadoodu tahay inay ilaaliyaan maxaabiista lagu hayo Gaza, sababo ku aaddan isgaarsiinta magaalada ee tan iyo Khamiistii go’an.

Afhayeenka ayaa tilmaamay inaysan la socon xaalad kasta oo ay xilligan ku sugan yihiin maxaabiista, isla-markaana aysan jirin meel ay kala xiriiraan xoogagaasi, waana xilli Israel ay Sabtidii dib u soo cusbooneysiisay duqaymaheeda baahsan ee Gaza, oo shalay ay dad fara-badan oo rayid ah ku dhinteen.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha ayaa socod qaatay shan maalmood oo ay kaga soo baxeen Magaalada Tel Aviv waxay Sabtidii ku taggeen Magaalada Qudus (Jerusalem).

Dadkan oo kumanaan qof gaaraya ayaa isugu soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyagoo cadaadiska ku kordhinaya, si maamulku ay kuwii ay jeclaayeen uu dib ugu soo celiyo guryahooda.

Dadkan ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ku dhaliilay, sida ay u maareysay dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Waxa kaloo ay Netanyahu ku dhalleeceeyeen in iyagoo kor iyo hoosba ugu sheegay in Xamaas lala galo heshiis maxaabiis is weydaarsi ah, si loo badbaadiyo nolosha dadkaasi uuba khatar sii gelinayo nolosho la haysteyaasha.

Dibadbaxayaasha oo xalay hor dhoobnaa Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa waxaa ku biiray dad badan, oo sita buufino jaale ama huruud ah, isla-markaaa ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ku dalbanayaan in dadkaasi laga shaqeeyo sii deysmadooda.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa markii dambe dibadbaxayaasha u sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada ee waxa loogu yeeray dagaalka ay la kulmi doonaan guddiga qoysaska la haysteyaasha.

“Waan idiin la socdaa, dadka Israel-na way idiin la socdaan. Waxaan ballanqaadayaa marka aan helno wax aan dhahno, waan idiinku wargelin doonnaa.” Ayuu yiri Netanyahu.

Hase yeeshee dadkan oo dareenkooda muujiyay ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee dagaalka ku eedeeyay waxa ay ku tilmaameen hufnaan la’aan ku saabsan qorshe kasta oo samatabixin ah.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxayaashu aanay kalsooni badan ku qabin ballanqaadyada Netanyahu, bacdamaa kulamo hore oo ay yeesheen uu ugu sheegay inaanu maamulku halis gelin doonin nolosha maxaabiista lagu hayo Marinka Gaza, uuna samayn doono wax kasta oo badbaadadooda ah.

Bannaanbaxan ay Sabtidii sameeyeen ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee lagu dalbanayo in iyagoo nabdoon guryahooda lagu soo celiyo la haysteyaasha.

La haysteyaasha oo tiradooda lagu sheegay 240 qof oo reer Israel ah, balse qaarkood haysta laba dhalasho ayaa lagu afduubay weerarkii lama filaanka ahaa ay Xamaas 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel ka arrimiso.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Netanyahu uu ku khasban yahay in hadda uu meel uun u jiheeyo arrinta la haysteyaasha.

Hadalkan ka soo yeeray Xamaas ayaa sida la sheegay waxa uu walaaca ku kordhiyay qoysaska iyo ehelada dadkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc