Home Wararka Caalamka Xamaas oo sheegtay in 5 ka mid ah la haysteyaasha lagu dilay Gaza

Xamaas oo sheegtay in 5 ka mid ah la haysteyaasha lagu dilay Gaza

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa sheegay inay u badan tahay in Ciidamada Israel ay dileen 5 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay inay la’yihiin xiriirka koox u qaabilsaneyd ilaalinta 5-taasi la hayste.

Afhayeenka Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa xalay sheegay in ay aaminsan yihiin in dadkaasi lagu dilay duqayn ay Ciidamada Israel ka gaysteen Marinka Gaza.

“Natiijada duqaymaha arxandarada ah ee Maamulka Sahyuuniyadda awgood, waxaan luminay xiriirkii aan la lahayn kooxda masuulka ka ah 5 ka mid ah la haysteyaasha, oo ay ku jiraan Haim Perry, Yoram Metzger iyo Amiram Kober.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay “Waxaan aaminsanahay in la haysteyaasha lagu dilay mid ka mid ah duqaymaha cirka ee Sahyuuniyadda ee Marinka Gaza.”

Taliska Militariga Israel ayaa toddobaadkii hore sheegay in ciidamadooda ay si khaldan ku dileen 3 ka mid ah dadka lagu haysto Gaza.

Hadalkan ka soo yeeray Abu Obaida ayaa imaanaya, iyadoo Israel ay Sabtidii ballaarisay duqaymaha baahsan ee ay ka waddo magaalada, waana xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu habeen hore meelmariyay qaraar ku baaqaya in si degdeg ah oo ammaan ah, oo aan la carqaladeyn gargaarka naf badbaadinta ah lagu gaarsiiyo Marinka Gaza.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ku celiyay in duqaymaha joogtada ah ee Israel ay carqaladeynayaan kaalmada bani’aadantinimo, ee ay sida weyn ugu baahan yihiin dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc