Home Wararka Caalamka Xamaas oo sheegtay in 72 saacadood ay ku burburisay 135 ka mid ah kolonyada Ciidamada Israel

Xamaas oo sheegtay in 72 saacadood ay ku burburisay 135 ka mid ah kolonyada Ciidamada Israel

by Laacib

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

Inkastoo Abu Obaida hawada laga waayay, tan iyo markii uu dagaalku dib uga qarxay Marinka Gaza, haddana qoraal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Xamaas, uuna ku saxiixnaa ninkaasi ayuu ku sheegay in Ciidamada Israel ay jab xoogan kala kulmayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Waxa uu sheegay in Xoogaga Xamaas ay dileen, isla-markaana ay dhaawaceen tobanaan ka mid ah Militariga Israel.

“Ciidamada cadowga qaarkood waxaa lagu laayay dabin loo dhigay godad ay soo galeen iyo dhismayaal ay gabaad ka dhiganayeen.” Ayuu yiri Abu Obaida.

Abu Obaida ayaa yiri “Askar fara-badan oo ka tirsan ciidamada cadowga ayaa sidoo kale lagu weeraray hoobiyeyaal iyo gantaalada ridada gaaban, halka gantaalo kalena lagu garaacay magaalooyinka Israel.”

Abu Obaida ayaa ku goodiyay in Guutada Al-Qassam ay sii wadi doonto dagaalka lagu xoreynayo dhulka Falastiiniyiinta, illaa iyo inta ay dib kaga saarayaan cadowga, sida uu yiri.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo xalay Warbaahinta ka soo muuqday ayaa qiray in ay askar fara-badan ku waayeen dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii sheegay in wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka lagu dilay Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Major Gal Eisenkot oo 25 jir ahaa uu Khamiistii ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc